4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 26, 2020
Kiiskii ugu horeeyay oo Coronavirus ah oo laga helay magaalada Jigjiga
 

Axad, Abril 26, 2020 (HOL) - Wasaaradda Caafimaadka ee Itoobiya ayaa sheegtay illaa iyo hadda in 41 bukaan ay ka soo kabsadeen cudurka 'coronavirus' (COVID-19).

Shalay oo kaliya 12 bukaan COVID-19 ayaa soo kabsaday, sida ay sheegtay Wasaaradda. Marka lagu daro soo kabashada, tirada guud ee kiisaska la xaqiijiyey ee cudurka coronavirus waa 123 qof.

saddex qof ayaa u geeriyooday cudurka.

24-kii saac ee la soo dhaafay Wasaaradda waxay sameysay tijaabooyin shaybaar ah oo looga qaaday 957 qof. Hal qof oo kamid ah dadkaas ayaa cudurka coronavirus-ka laga helay.

Bukaankaan ayaa degen magaalada JigJiga ee dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaana dhowaan kaga yimid degaanada Puntland ee Soomaaliya.

Dhinaca kale, Raiisel wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa ka wada hadlay arrimo laba geesood ah oo ay ku jiraan howlaha coronavirus.

Intii lagu gudajiray dooda ayaa Madaxweyne Trump waxa uu tilmaamay in dowladiisa ay diyaar u tahay inay Ethiopia ugu tabarucdo hawo-wadeyaasha si looga caawiyo dadaalka ay ugu jirto daweynta bukaanada cudurka coronavirus.