4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 26, 2020
Muslimiinta Cameroon iyo booliska oo isku dhac dhex-maray
  

Axad, Abril 26, 2020 (HOL) - Muslimiinta ku nool Jamhuuriyadda Cameroon iyo ciidamada booliska waddankaasi ayaa isku dhacay kadib markii laammaha nabad-gelyada ay isku dayeen iney kala diraan dad doonayay ku cibaadeysiga masaajidda, sida ay weriyeen warbaahinta maxalliga ah ee dalkaasi.

Booliska ayaa dadka u diiday iney si jamac ah ugu tukadaan illaa iyo 13 masaajid oo ku yaalla galbeedka,  bartamaha iyo waqooyiga fog ee Cameroon, dadka ayaa doonayay iney salaadaha jamaacada ku tukadaan,  laakiin booliska ayaa ku amray  iney kala tagaan,  dhaqan-geliyaanna amarka dowladda si loo xakameeyo xanuunka COVID-19.

Awah Fonka oo ah guddoomiyaha galbeedka ayaa VOA Africa u sheegay inuu booliska ka codsaday in lakala diro dadka isugu imaanaya masaajidda magaalooyinka Foumban,  Foumbot iyo Bafoussam

Waddanka Cameroon waxaa laga diiwaan-geliyay 1,430 xaalad oo ah xanuunka COVID-19, halka guud ahaan dadka xanuunkaasi u dhintay ay gaarayaan 43 ruux sida dowladdu ay sheegtay.

Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan  Online, Muqdisho