4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 26, 2020
Hoobiyayaal lagu weeraray xerada Xalane oo dad rayid ah ay ku geeriyoodeen
 

Axad, Abril 26, 2020 (HOL) -  Sida ay HOL u sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay,  waxaa saaka waabarigii weerar hoobiyayaal ah lagu qaaday xerada aadka loo ilaaliyo ee Xalane ee magaalada Muqdisho, halkaas uu ku yaalla taliska dhexe ee ciidamada AMISOM .

Warka wuxuu intaas ku darayaa in tirada hoobiyayaasha xerada lagu tuuray ay gaarayaan toddobo xabbo,  waxaana qaar kamid ah ay waxyeeleeyeen dad rayad ah.

Qaar kamid ah hoobiyayaasha oo dhaafay bartilmaameedkii loo waday ayaa ku dhacay xaafad ay deganaayeen dad rayid ah oo ku taalla degmada Wadajir, halkaasna waxaa ku geeriyooday afar qof oo rayid ah,  iskuna reer ah.

Sidoo kale hoobiye gafay bartilmaameedkii loo waday ayaa ku dhacay xero lagu xannaaneeyo geela.  Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha hoobiyayaashaasi xerada Xalane ay ka geysteen.

Waa markii labaad oo xerada Xalane hoobiyayaal lagu tuuro bishaan gudaheeda,  waxaana si guud labada weerar u sheegtay Al-shabaab.

Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho