4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 26, 2020
Xildhibaan Ilhan Cumar oo cambaaraysay weerarada lagu hayo xorriyadda saxaafadda Soomaaliya
 

Axad, Abril 26, 2020 (HOL) - Xildhibaan Ilhan Cumar oo Congress-ka Maraykanka ku metasha Soomaalida Minnesota ayaa cambaareysay weerarada lagu qaadayo xorriyadda saxaafadda iyo cabsi-gelinta saxaafadda Soomaalida.

Ilhan waxay sheegtay Ololaha cabsi gelinta ka dhanka ah weriye Harun Maruf oo katirsan laanta afsoomaaliga ee VOA, inay tahay mid aad looga naxo.

Waxay ugu baaqday dowladda Soomaaliya inay si dhakhso leh u joojiso weeraradan lagu qaadayo xorriyadda hadalka iyo xorriyadda saxaafadda.

Waxay tidhi,” Weeraradan, oo ay weheliso xarigii 14-kii Abriil ee Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo loo xiray ka hadlida saamaynta COVID-19 ee Soomaaliya, waa xadgudub aan la aqbali karin oo laga galay xuquuqda aasaasiga ah ee aadanaha.”

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online