4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 26, 2020
Turkiga oo muwaadiniintiisa si kumeel gaar ah kaga daad gureeyay Soomaaliya


Axad, Abril 26, 2020 (HOL) - Dawladda Turkiga ayaa muwaadiniinteeda ku sugan Soomaaliya kala baxday sababa la xidhiidha walaaca  faafitaanka cudurka Coronavirus awgiis. Bixitaankaan ayaa ah amar ka yimid  madaxweynaha dalkaas.

"Digtoonaantii uu qaatay Madaxweynaheena si looga hortago faafitaanka Covid-19, muwaadiniinteenna ku sugnaa gudaha Soomaaliya ayaa si ku meelgaar ah uga soo guuray Muqdisho una aaday dhanka Turkiga, iyagoo raacaya tilmaamaha lagu keenayo dalka Turkiga,” ayaa lagu yidhi qoraal kooban oo lagusoo daabacay bagga faceboook-ga ee safaarada Turkiga –Soomaaliya.

Muwaadiniinta uu Turkigu kala baxay Soomaaliya, ayaa isugu jiray shaqaalihii ka howlgalayay safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho iyo kuwo kale oo u shaqeeynayay shirkaddaha Turkiga ee qandaraasyada horumarineed ka wada Soomaaliya.

Shaqaalahaan waxaa lagu daabulay diyaarad qaas ah oo madaxweynaha dalkaas uu usoo diray magaalada Muqdisho.

Arintaan ayaa kusoo aadaysa maalmo kadib markii madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynaha Turkiga ay ka wada hadleen sidii ay isaga kaashan lahaayeen la dagaalanka cudurka Coronavirus.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online