4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 25, 2020
Puntland: Shan qof oo laga helay covid19 kadib markii loo keenay qalabkii baaritaanka
 

Sabti, Abril 25, 2020 (HOL) - Puntland ayaa caawo shaacisay inay shan qof ka heshay cudurka Coronavirus, kadib markii maanta baaritaan laga qaaday 9 qof oo kamid ahaa dadka laga helay caalamadaha cudurka Covid19.

Shaacinta tiradaan cusub ayaa kusoo aaday kadib markii Puntland ay maanta howlgalisay qalabka lagu baaro cudurka oo ay ka heshay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

Waa tiradii ugu badnayd ee hal mar laga helo cudurka, waxaana guud ahaan kiisasku haatan marayaan 6 qof.

Keenista qalabka cudurka lagu baaro ee Puntland, waxaa la filayaa in kiisas badan soo bixidoonaan maadaama maalintii ugu horeysay tiro intaas ah la sheegay.

Dhinaca kale, Muqdisho ayaa galabta waxaa laga diiwaan galiyay 62 kiis oo cusub, labo dhimasho iyo labo ka bogsatay cudurka.

Haatan cudurka tiradiisa guud waxay ku dhowdahay 400 xaaladdood, dhimashaduna waa 20.

Soomaaliya waxay kamid noqotay wadamada Afrika ee sida xoogan ugu faafayo cudurka Coronavirus.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online