4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 25, 2020
Hay’ada Islamic Relief oo gaari Ambalaas ah gaarsiisay cisbitaalka Martiini


Sabti, Abril 25, 2020 (HOL) - Madaxda hay’ada Islamic Relief ayaa cisbitaalka Martiini gaarsiiyay gaari Ambalaas ah si loogu adeego shacabka uu soo rito xanuunka Covid19, waxaana madaxda hay’adu aay sheegeen in arinkan uu qeyb ka yahay ololaha ka hortaga Covid19.

Gaariga gargaarka deg-dega ah ee Islamic Relief aay gaarsiisay cisbitaalka Martiini ayaa waxaa ka gudoomay shaqaale kamid ah wasaarada caafimaadka Soomaaliya, waxaana aay sheegeen in gaarigan uu muhiim u yahay dadka laxanuunsan cudurka Covid19.

Cabdifitaax Maxamuud Rooble oo kamid shaqaalaha hay’ada Islamic Relief ayaa sheegay in gaarigan aay ku dhiirigalinayaan wasaarada caafimaadka oo sameeysay dadaal badan oo ku aadan Covid19.

Liibaan Cabdi Cabdulle oo madaxa xarumaha caafimaadka ee wasaarada ayaa u mahadceliyay hay’ada Islamic Relief, waxaana uu sheegay in gaarigan uu muhiim u yahay in lagu doono qofkii xanuunsan ee kusugan xaafadaha Muqdisho.

“Runtii gaarigan waa mid aad u muhiimsan, waay mahadsanyihiin Islamic relief oo kaalin wanaagsan ka qaadatay ololaha gurmadka ee Covid19. Gaarigan wuxuu naga saacidayaa inaan ku doono qof kusugan xaafadaha oo laxanuunsan Covid19”. Ayuu yiri Liibaan oo kamid ah wasaarada caafimaadka.

Wasaarada caafiamadka ayaa wada dadaalo ku aadan wacyigalin iyo kahortaga cudurka Covid19, waxaana maalinba maalinta kadambeeysa sii kordhaya dadka uu soo ridanayo cudurka Covid19.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay inaay filaneeyso in dalka uu soogaaro qalab caafimaad oo aay ka dalabtay dalka dibadiisa, kaas oo wax looga qabanayo cudurka faafitaanka badan ee Covid19.