4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 25, 2020
Bandowgii magaalada Muqdisho oo aad loo qafiifiyay iyo taliyahii booliska Boondheere oo xilka laga qaaday
 

Sabti, Abril 25, 2020 (HOL) - Taliyaha Booliska Soomaaliya Jen.  Cabdi Xasan Xijaar oo shir jaraa’id goor dhow ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in xilii laga qaaday taliyaha booliska ee Degmada Boondheere , halkaas oo ay xalay askari ka tirsan booliska uu ku dilay laba qof oo rayid ah.

Sidoo kale taliyaha Booliska Soomaaliya Xijaar ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in saacad dib loo dhigay bandowgii saarnaa caasimadda Soomaaliya, habeenkii, islamarkaana uu bilaaban doono sideedda fiidnimo (8:00PM), halka uu horay u ahaa todobada fiidnimo (7:00pm), taas oo uu ku sheegay in dowladdu ay kaga jawaabeyso cabashada dadka muqdisho.

Taliyaha waxa uu sidoo kale sheegay in uusan bandowga qaban doonin dadka waddooyinka socda, goobaha caafimaadka iyo dadka wax iibsanaya , sidoo kale dadka hor fadhiya guryahooda ayuusan saameyn doonin bandowga saran xilliyada habeenkii ah caasimadda Soomaaliya .

Arrintaan waxey muujineysaa in dowladda Soomaaliya ay aad u qafiifisay bandowgii maalmihii lasoo dhaafay dadku aad uga cabanayeen.

Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho