4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 25, 2020
Xildhibaanno ka tirsan Hirshabeelle oo warqad adag u qoray Guddoomiyaha Baarlamanka Maamulkaas
 

Sabti, Abril 25, 2020 (HOL) -  Mudanayaal ka tirsan Baarlamanka Maamulka Hirshabeelle oo gaaraya 66 mudane  ayaa waxey warqad u qoreen inuu ka jawaabo Guddoomiyaha Baarlamanka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed , waxeyna ka codsadeen inuu ka warceliyo  eedo ay usoo jeediyeen.

Xildhibaannadan ayaa waxay soo jeediyeen in Guddoomiyaha uu ka jawaabo ku dhex milanka hay’addii fulinta Maamulka Hirshabeelle, iyo waxyaabaha keenay inuu naqdiyo go’aammo aan baarlamanka la hor keenin oo uu isaga si shakhsi ah u diiyay.

Warqadda xildhibaannadaasi ayaa waxaa Guddoomiye Shiikh Cismaan Barre looga codsaday inuu ka jawaabo halkii ay ku baxeen lacago loogu tala-galay in howllaha baarlamanka lagu socodsiinayay, lacagahaasi oo ay tilmaameen in ay ula muuqato mid lagu takri-falay, sida warqadda lagu qoray

Hirshabeelle waxaa ka jira khilaafaad xooggan oo u dhexeeyo Madaxda sare gaar ahaa Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo ku xigeenkiisa Cali Guudlaawe oo isku dhinac ah iyo Guddoomiyaha Baarlamanka Shiikh Cismaan Barre Maxamed oo ka aragti ah. Khilaafkaasi ayaa loo maleynayaa mid ka dambeeyo in warqaddaan lagasoo qoro Guddoomiyaha Baarlamanka.




Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho