4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 25, 2020
Cumar Filish oo goor dhow la hadlay dibad-baxayaasha Muqdisho, kana codsaday in aan la burburin waddooyinka laamiga ah


Sabti, Abril 25, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Caasimadda Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish) ayaa waxa uu maanta kula hadlay Magaalada Muqdisho boqollaal dibad-baxayaal ah oo kasoo horjeeday fal dil ah oo uu xalay ka geystay askari ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliya Isgoyska Jubba  ee Degmada Boondheere.

Askariga ayaa dilay wiil dhalinyaro ah iyo hooyo umul aheyd dhowr maalin sida lagu sheegay xog laga helay ehelada labada marxuum.

Dibad-baxa oo xalay bilowday ayaa waxa uu aad usii xoogeystay saaka, kadib markii dad u badan dhalinyaro iyo haween ay taayarro ku gubeen dhowr waddo oo muhiim u ah isu-socodka dadka iyo gaadiidka Caasimadda Soomaaliya. Waxeyna qaarkood la wadaageen warbaahinta  hadallo kulul iyo farriimo ku socday madaxda dowladda gaar ahaan , Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa waxa  dibadbaxayaashii uu la kulmay uu u sheegay , in askarigii dilka geystay uu ku jiro jeelka dhexe ee Muqdisho, lana horgeyn doono cadaaladda, sidoo kalena la tix-gelinayo cabashada shacabka iyo dareenkooda, dowladduna ay ka fadhiso bandowga iyo sidii laga yeeli lahaa, dhowaanna lagasoo saari doono war arrintaasi la xiriira.

Dhinaca kale waxa uu ugu baaqay dibadbaxayaasha iney u turaan waddanka, oo aan la burburin waddooyinka iyo goobaha danta guud ee lagu dhisay canshuurta laga qaaday bulshada, taas oo meesha ka saareysa heykalka dib u kabasho ee Soomaaliya hadda ka muuqanaya , gaar ahaan Caasimadda Muqdisho.

Xalay iyo saaka waxey Muqdisho ku sugneyd saacado jahwareer ah, waxaana hadda la eegayaa tilaabada tan xigta oo ay madaxda sare qaadaan , si ay uga jawaabaan cabashada bulshada iyo culeysyada jira.

Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho