4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 24, 2020
124 qoys oo la gaarsiiyay deeq ka timid wasiir Sadiq Warfa


Jimco, Abril 24, 2020 (HOL) -  Illaa 124 qoys oo ah kuwa danyarta ah iyo kuwo ka soo barakacay abaairihii dalka ku dhuftay ayaa maanta deeq raashin ah loogu qaybiyay degmada Galdogob ee gobolka Mudug ,iyadoo deeqda ay ka timid Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada dawladda federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Sadiq Xirsi Warfa.

Qaar ka mid ah qoysaska ka faa'iideystay deeqdan ayaa u mahadceliyay wasiir Sadiq Warfa iyo hay'adda WARFA FOUNDATION , waxaa ay sheegeen inay ku soo aadday xilligii ugu habboonaa oo la galay bisha barakaysan ee Ramadaan.

Dhinaca kale, hay'adda WARFA FOUNDATION ayaa garsiisay kaam ay ku nool yihiin qoysas danyar ah iyo kuwa ka soo barakacay abaaraha oo ku yaal duleedka degmada Galdogob saddex booyadood oo biyo ah oo ka timid wasiir Sadiq Warfa , oo loogu talagalay in bishan barakaysan dadka kaamkaas ku dhaqan ay ugu samata baxaan.

Dadka deegaanka ayaa ku ammaanay wasiir Sadiq Warfa , ka warqabka deegaannada gobolka Mudug oo ka mid ah dhulka ay muddooyinkii dambe xaaladda abaareed ka tagneyd,halkaa oo ay sidoo kale ku soo barakaceen qoysas ay saameysay abaartii ku dhufatay  miyi iyo magaallaba.

Waa sannadkii afaraad oo deeq ka timid Xildhibaan Sadiq Warfa, wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada la gaarsiinayo qoysaska danyarta ah iyo kuwa abaaraha ay deegaannadooda ka soo barakiciyeen ee ku nool degmada Galdogob, waxaana si wadajir ah u maamullayay deeqda xafiiska u adeegga bulshada oo sannadkii 2017ka uu ka hirgaliyay degmada Galgobol, wasiir Sadiq iyo hay'adda WARFA FOUNDATION.

Iman Jama, Hiiraan Online
[email protected]