4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 24, 2020
Saldhigga Mareykanka ku leeyihiin Jabuuti oo la geliyay xaalad deg-deg ah oo Caafimaad



Jimco, Abril 24, 2020 (HOL) -  Dadka uu haleelayo xanuunka COVID-19 ayaa sare u kacay guud ahaan Jamhuuriyadda Jabuuti waxaana wadarta kiisaska la helay ay gaarayaan illaa iyo 985 kiis,  taas oo aad uga badan waddamada Gobolka sida Kenya, Itoobiya iyo Soomaaliya .

Waxaana dadka uu cudurka soo ritay kamid ah askar ka tirsan saldhigga Mareykanka uu ku leeyahay waddankaasi.

War kasoo baxay taliska Afrika ee Ciidamada Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay laba saldhig oo ay Ciidamadaasi ku leeyihiin Jabuuti la geliyay xaalad deg deg ah oo Caafimaad dadweyne ah , sida lagu sheegay warsaxaafadeed la soo saaray.

Michael Turello oo ah taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Howl-galka geeska Afrika  oo qoraalkaan soo saaray ayaa waxa uu yiri "La dagaallanka COVID-19, waxey innoo leedahay muhiimad gooni ah, waxena innoo leedahay ahmiyad gooni ah".

Dhowr kamid ah Ciidamada Mareykanka ee Jabuuti ku sugan iyo shaqaalaha saldhigyadaasi ee rayidka ah ayaa waxaa laga helay xanuunka COVID -19.

Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho