4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 24, 2020
Madaxweyne Farmaajo oo madaxda waddamada Jabuuti iyo Qatar ka codsaday iney dalalkooda iska kaashadaan la dagaallanka COVID-19
 

Jimco, Abril 24, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu qadka taleefanka kula xiriiray dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar, iyagoo isku soo qaaday dhibaatada xanuunka COVID-19 uu  ku hayo caalamka gaar ahaan Jabuuti iyo Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa uu sheegay in muhiim ay tahay in labada dal ay sameeyaan iskaashi dhameystiran , si xanuunkan looga guuleyso, sidoo kale Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu madaxweynaha Jabuuti Geelle la wadaagay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeedba ay aad uga xunyihiin daadadkii ku dhuftay Caasimadda Jabuuti, oo saameeyay dad badan oo danyar ah.

Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu qadka taleefanka kula hadlay Boqora Waddanka Qatar, boqor Tamiin bin xamad Aala-thani , waxeyna ka wada hadleen sidii Soomaaliya iyo Qatar ay isaga kaashan lahaayeen in dulinka Coronavirus laga adkaado.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in keliya xanuunka COVID-19 looga adkaan karo iskaashi ay sameeyaan dowladaha caalamka  si taas loo gaarana Soomaaliya waxey si dhow ula shaqeyneysaa dowladaha uu ka dhexeeyo xiriirka wanaagsan.

Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho