4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 24, 2020
Wasiir Beyle "Maamul goboleedyada shuruudaha buuxiyay waa la siiyay lacagtii loogu talogalay"
 

Jimco, Abril 24, 2020 (HOL) - Wasiirka maaliyadda dowladda federalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ka jawaabay sababta dowladda u bixin la’dahay lacagihii halka milyan ahayd ee ay u balanqaaday inay siinayso dowlad goboleedyada Soomaaliya.

Wasiir Bayle wuxuu sheegay in lacagtaasi loo diray dowlad goboleedyadii buuxiyay sharuudihii ka horeeyay lacagtaas.

“Lacagahaasi waxay ahaayeen lacago loogu talo galay in wax looga qabto ka hortagga xanuunka, laakiin lacagahaasi waxay u baahan yihiin sharuudo ku xiran iyo maamul, cidii soo gudbisayna waa loo fasaxay,” ayuu yidhi wasiir Beyle.

Dhawaan Puntland iyo Jubbaland oo ah labada maamul ee uu khilaafka kala dhexeeya dowladda federalka, ayaa sheegay in aysan lacagtaas soo gaarin.

 Maamulada kale ee dalka weli kama hadlin lacagtaas.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online