Hiiraan Online
12/16/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Talaado, Apr 21, 2020
Qalab lagu wareejiyey masuuliyiinta caafimaadka gobolka Sool
Talaado, Abril 21, 2020 (HOL) - Hay'ada ARC International xafiiskeeda gobolka Sool ayaa maanta ku wareejiyey maamulka Wasaarada Caafimaadka qalab isla markaana loogu tala galay in lagu baxnaaniyo xarunta dadka lagu karintiimaynyo ee magaalada Laascaanood .
Gudoomiyaha Hay'ada ARC International ee gobolka Sool Mohamed Abdillahi oo qalabkan ku wareejiyey isuduwaha Wasaarada Caafimaadka ee gobolka ayaa sheegay in qalabkani uu ka koban yahay Mashiinada Oxygen ta Sariiraha waaweyn ee nooca dhamayska tiran Taangiyada Faraxalka dharka difaaca Xanuunka COVID 19 , iyo sidoo kale agabka Gafuur xidhka , gacmo gashiga Shaambooyinka faraxalka iwm
Maamulka Wasaarada Caafimaadka ee gobolka Sool oo kala wareegay ayaa uga mahad naqey Hay'ada ARC deeqdan ku soo aadey xilligeeda , Waxaana uu sheegay in ay ka jaawaabeen codsiyadii ay u direen Hay'adaha ka howl gala gobolka , Waxaana uu ku tilmaamay deeqdani i ay tahay baahi weyn oo ku soo aadey in xilligeedii la soo gaadhsiiyey .
Qalabkan ayaa ah kii ugu badnaa ee soo gaadha magaalada Laascaanood khaasatan xarunta loo diyaariyey bukaanka COVID-19 oo aan weli lagu sheegin magaaladan laakiin cabsidiisu taagan tahay.
Seynab Cabdi Warsame
[email protected]
Laascaanood