Khamiis, April, 02, 2020 (HOL) - Wasaarada howlaha guud ee Hirshabelle oo mashruuc hormarineed ka heshay hay’ada SSF, ayaa bilowday dhismaha wado laami ah oo gaareysa 6km ah oo loo qeeybiyay xaafadaha magaalada Beledweyne. Xaafadaha Kooshin, Xaawotako iyo Howlwadag ayaa ka faa’ideeysan doona dhismaha wadadan.
Dadka kunool xaafadaha magaalada ayaa soo dhaweeyay waxaana aay sheegen in uu fududaan doono iskusocodka dadka iyo kobaca ganacsiga, madaama wadooyinkan aay ahaayeen kuwa aad u burbursan.
Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa dhowr bil kahor dhagax dhigay dhismaha wadadan laamiga ah, waxaana xiligaas uu sheegay in mashruucan uu wax badan ka badali doono bilicda magaalada, isku-socodka dadka iyo kobaca ganacsiga.
Jidadka Beledweyne oo laga dareemayo burbur xoogan oo aay keenen fatahaadaha isdaba jooga ah ee kadhaca magaalada iyo dayactir la’aanta ayaa larajeeynayaa in wax badan iska badalaan marka lafuliyo dhismaha wadadan.
Waa markii ugu horeeysay oo Beledweyne laga fuliyo mashruuc lagu dhisaayo wado gaareeysa 6km. sanadkii 2014 ayaay ahayd markii laga hergaliyay dhismaha wado laami ah oo gaareysa 1.5km, hasa-ahaatee waxaay ku burburtay fatahaadaha webiga Shabelle.