Jimco, Abril, 10, 2020 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland oo shalay xafiiskiisa iskugu keenay gudoomiyeyaasha xisbiyada mucaaradka ah, gudoomiyaha golaha Guurtidda iyo Gudoomiyaha golaha Wakiilada ayaa maanta si wada jir ah uga hadlay halista uu cudurka Covid19 ku leeyahay bulshadda iyo wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo baryahan dambe madax dhaqameedka Somaliland ka hadlayeen.
newsinsideMadaxdan ayaa sheegay in la qaato talooyinka guddida qaran ee ka hortagga cudurkan, waxaanay xuseen in aanay dadku aaminin waxyaalaha aanay waxba ka jirin ee muslim iyo gaalba ku dhacayo.
Sidoo kale, waxay ka hadleen oday dhaqameedyo si gaargaar ah uga hadlay in wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya lagu daro oo dib loo bilaabo wada hadalkaasi.
Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in dadweynuhu maqlaan talooyinka iyo tilmaaha ay soo jeedinayaan bahda caafimaadku, waxaanay in qofkii awoodi kara inuu miyiga iyo beeraha u baxo uu iskaga baxo magaalada, kii kalena si taxadar leh u joogo gurigiisa si aanu bahalkani u faafin.
Waxa kale oo uu ka hadlay wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya iyo dhowaaqa ka soo yeedhay madax dhaqameedka qaar, waxaanu soo jeediyey in madax dhaqameedku shaqadooda qabsadaan,wixii wada hadal ay xukuumaddu u xilsaaran tahay, taas oo ay ogol yihiin in meel fogaaraha lagu dhagaysto labadda dhinac.
Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa shacabka usoo jeediyey inay si dhaw ula socdaan talooyinka guddida ka hortagga xanuunka covid-19, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Shacabiga waxannu usoo jeedinaynayaa inaynu u dhego-nuglaanno talooyinka guddida, cudurkuna wuu soo kordhayaa, waddama aynnu jaarka nahay dadka uu saameeyeyna way soo kordhayaan, innaguna kama duwannin ummadahaas kale ee taxaddarkeennu ha bato, taladana halla qaato, xukuumadduna awaamiirta iyo talooyinka fulin haku darto.”
Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa isaguna dhankiisa farriin u diray madax-dhaqameedka siyaasadda ku milmay, waxana uu usoo jeediyey inay muhiimad gaar ah siiyaan beelaha ay metelaan, waxana uu yidhi isaga oo arrimahaas ka hadlaya “Salaadiinta waxannu leenahay salaadiintii aannu naqaanay reerahooday ka shaqay jireen, niman aan ogaynba reerkoodu wuxuu kusoo noolaa, ayaa siyaasiyiinta gelaya, salaadiin si fiican u hadashayna way jiraan.”
Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng:Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in hadii midnimo Soomaaliya la doonayo madaxweyne Geelle uu ku soo daro Soomaaliya, Ra’isal wasaaraha Itoobiyana deegaanka Soomaalida dib ugu soo celiyo Soomaaliya.
"Somaliland, ma aqbalayso wada hadallada Somaliland iyo Somalia in ay qayb ka noqdaan dalalka Safka hore, Sida Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo Eritrea, waayo mid kasta dan ayey leedahay"ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.
Guddoomiyaha golaha wakiillada, Mudane Baashe Maxamed Faarax, ayaa soo dhaweeyey codsiga axsaabta mucaaridka ah iyo madaxweynaha oo isku duubani golaha wakiillada u gudbiyeen ee nuxurkiisu yahay in mar kale golaha lagu soo celiyo labadii xubnood ee ay hore kalsoonida ugu diideen, waxana uu yidhi, “Goluhu waa xor oo wuu madax-bannaan yahay, laakiin waxannu tixgelinaynaa xisbiyada, madaxweynaha iyo talada odayaasha, goluhuna markuu fasaxa kasoo noqdo, haddii labadii hore la keenayo iyo haddii labo cusub la keenayoba golaha wakiilladu diyaar bay u yihiin in labadii xubnood la keeno, komishankuna inoo dhammaystirmo.”
Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ugu horrayn shacabka ugu baaqay inay midnimadooda ilaashadaan, islamarkaana ka dheeraadaan taforaaruqa, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxa qudha ee aynnu maanta dugsannaa waa midnimadeenna, 29-kaa sannadoodna midnimadeennaynu kaga soo gudubnay, ictiraaf la’aanta midnimadeennaynu kaga soo gudubnay, wax aynnu u noqonnayna ma jiro, intaa aynnu isku duubannahayna wax ina yeeli karaa ma jiro,”
Guddoomiyuhu waxa uu farriin u diray madax-dhaqameedka siyaasadda ku hawlan, waxana uu caddeeyey wixii wada-hadal ah ay bulshadu u igmatay madaxweynaha iyo goleyaasha qaranka ee shacabku doortay, “Qarankani cid buu doortay, hawl walba cid buu u doortay, madaxweynaha iyo ciddii uu talo moodo ayaa qarankan wax u tidhaahda, labada golena uma yidhaahdaan, madax-dhaqameedow idinkuna uma tidhaahdaan, aqoonyahan dibad meerayaana uma yidhaahdo, nin kale oo siyaasi sheegtay oo meelahaas meermeerayaana uma odhanayo’e qaranka waxa u yidhaahda madaxweynaha,” ayuu yidhi guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan.
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu dadka ugu baaqay inay ka foojignaadaan cudurkan oo si taxadar leh guryaha ugu jiraan.
Sidoo kale, waxa uu ka hadlay arrimaha wada hadalka Soomaaliya, waxaanu yidhi “Waxan doonayaa inaan halkan ka caddeeyo haddii aanu Somaliland nahay in la wada-hada oo soomaaliya oo hadalkoodu hore u furnaa, muddona aanu hirgelin in la wada hadlo oo danta aanu isku haysanno iyo waxa naga dhexeeya laga wada-hadlo oo wada-hadal lagu dhammeeyo, horena waanu u qaadannay haddana waannu aaminsanahay, diyaarna waannu u nahay, waana mabda’iyan, ma nihin qolo ka baqanaysa fagaare,”
Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray “Arrinta Somaliland wax la dhaqdhaqaajin karo ma aha, ninkaa intaa siyaasad ka daya ee kusoo daaya warbaahintuna isaga ayey u taallaa, annaga ma jirto dawlad EGAD ah, ama caalami ah ama Soomaaliya ah oo tidhi shir baynu qabsanaynaa ma qabsannaa, waqtigan imika ah shir la qabtay iyo ballan la qaatay iyo cid rasmi ah iyo cid nala soo xidhiidhay midna ma jirto, warkaasina waa war suuq.”
Madaxda dhaqanka, ayuu madaxweynuhu farriin u diray, waxaanu yidhi “Madaxdhaqameedka waxannu ka sugaynaa oo aannu ku waaninaynaa inay ku ekaadaan dhaqankii wanaagsanaa ee ay dadka ku ilaalin jireen, Hadduu ka baxo suldaanku dhaqankii wanaagsanaa iyo wixii loo xilsaartay oo uu bad kale galo, wixii baddaas kaga soo baxa ha u diyaargaroobo,”
Ugu dambayntii madaxda kala duwan ee qaranka ugu sarraysaa waxa ay si wada-jir ah ugu mahadnaqeen dawladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo shixnado agabka lagaga hortaggo ah xanuunka COVID-19 usoo diray Somaliland.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]

Hargeysa, Somaliland.