Hiiraan Online
3/28/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 1 , 2020
Puntland oo cudurka coronavirus kaga hortagaysa Bandow habeenimo oo ay kusoo rogtay degaanadeeda
Arbaco, April, 1, 2020 (HOL)- Bandow adag ayaa caawa ka dhaqan galay magaalooyinka waaweyn ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, sida uu kusoo waramayo weriyaha Hiiraan Online ugasoo warama degaanada Puntland.
Bandowga oo bilowday salaadii maqrib kadib, ayaa ah mid lagula dagaalamayo isku socodka dadka iyo gaadiidka, iyadoo dhammaan albaabada loo laabay xarumaha ganacsiga oo idil iyo goobaha lagu caweeyo.
Magaalada Garowe oo caasimadda Puntland ayaa kamid ah magaalooyinka uu sida xooggan uga dhaqan galay bandowgaan, iyada oo boqolaal kamid ah ciiddamada bilayska iyo gaadiidka dagaalka lagusoo daadiyay waddooyinka waaweyn ee magaalada.
Ujeedada laga leeyahay bandowgaan ayaa ah, sidii looga hortagi lahaa cudurka Coronavirus, oo la aamisan yahay inuu aad uga faafo meelaha saxmada badan ee ay dadka badan iskugu yimaadaan. Maadaama aan dadka caafimaadkooda la wada hubin.
Guddiga la dagaalanka iyo wacyi galinta cudurka Coronavirus ama Covid 19, oo caawo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe, waxay shacabka fareen inay qaataan awaamiirta lasoo rogay islamarkaana ay guryahooda u hoydaan wixii loo gaaro salaada maqrib kadib.
Puntland weli wax kiis ah oo ku saabsan cudurka Coronavirus ah lama sheegin, balse maamulka ayaa ku jira taxadar aad sareeya, iyadoo haatan Ku dhawaad 20 qof ay ku jiraan xaalad karantiil ah. Afar kamid ah dadkaas waxay kasoo jeedaan Hindia.
Bandowga waxaa la filayaa inuu sii socda illaa bartamaha bisha Abril. Waxaa sidoo kale uu saameyn ku yeelandoonaa dhaqaalaha bulshada xilli haatan la dareemo sicir barar ku yimid maciishadihii dururiga ahaa iyo dollarka oo horey u kacsanaa.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]
Sarkaal katirsanaa ciidanka milatariga Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho
4/1/2020 1:55 PM EST
Arbaco, April, 1, 2020 (HOL)- G/sare Cusmaan Muuse Maqaarow oo kamid ahaa saraakiisha Ciidanka Milateriga Soomaaliya, ayaa lagu dilay qarax miino oo lagula eegtay degmada Hodan ee gobolka Banaadir.
Madaxweyne Biixi oo 574 maxbuus cafis u fidiyey
4/1/2020 11:53 AM EST
Arbaco, April 01 2020 (HOL )– Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa 574 maxbuus cafis u fidiyey, kuwaas oo ku xukunnaa dambiyado aan waaweynayn.
Cali Saciid Fiqi oo noqday guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed
4/1/2020 6:52 AM EST
Arbaco, April, 01, 2020 (HOL)-Amb. Cali Saciid Fiqi ayaa maanta ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed, doorasho ka dhacday Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Puntland oo caawa bandow ka dhan ah Coronavirus ka dhaqan galinaysa degaanadeeda
4/1/2020 6:45 AM EST
Arbaco, April, 1, 2020 (HOL)- Puntland ayaa caawo laga bilaabo salaada maqrib kadib waxay goboladeeda ka dhaqan galindoontaa bandow lagu yarayndoono isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka, si looga hortaggo faafitaanka cudurka coronavirus.
Akhriso " Taariikh nololeedkii AUN Nuur Cadde
4/1/2020 5:35 AM EST
Arbaco, April, 1, 2020 (HOL)- Alle ha u naxariistte waxaa Magaalada London ee dalka Ingiriiska ku geeriyooday AUN Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya AUN Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo beryahaan ku xanuunsanaa Isbitaal ku yaalla Magaalada London.
Qofkii ugu yaraa oo u geeriyooda cudurka Coronavirus oo noqday wiil 13 jir ah
4/1/2020 5:15 AM EST
Arbaco, April, 1, 2020 (HOL)- Wiil 13 jir ah oo ku noolaa London ayaa noqday dhibbanihii ugu da’da yaraa ee u geeriyoooda coronavirus.
Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Cadde oo u geeriyooday cudurka Coronavirus
4/1/2020 5:01 AM EST
Arbaco, Apil, 01, 2020 (HOL)-Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xassan Xusseen (Nuur Cadde) ayaa la xaqiijiyey in uu maanta ku geeriyoodey magaalada London ee dalka Britain.
Doorasho maanta ka dhaceysa magaalada Baydhabo
4/1/2020 2:27 AM EST
Arbaco, April, 01, 2020 (HOL)- Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu waddaa in magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay lagu qabto doorashada guddoonka Baarlamaanka cusub ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya
Dalalka ku bahoobay ‘Paris Club’ oo 1.4 Bilyan oo dallar ka cafiyey Soomaaliya
4/1/2020 1:17 AM EST
Arbaco, April, 1, 2020 (HOL)- Shir qaatay ku dhawaad 10 sacaadood oo mareegta internet-ka ee loo yaqaano (Video-Conference) ku dhexmaray masuuliyiin uu hoggaaminayey Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. C/raxaam Ducaale Beyle iyo wakiilo ka socday dalalka ku bahoobay Paris Club ayaa looga wadahadlay muhiimadda ay xilligan Soomaaliya u leedahay in dalalka ku mideysan Paris Club ay Soomaaliya ka cafiyaan Deymiihii lagu lahaa.
Somali News
Football legend Saeed Duaale dies in Yemen aged 73
-
HOL
4/1/2020 5:39 PM EST
Football legend Saeed Duaale, who was top scorer at the 1972 CECAFA Club Cup, has died in Aden aged 73 after a lengthy terminal illness.
Dubai's densely populated Naif is where most COVID-19 patients from Kasaragod came from
-
The News Minute
4/1/2020 4:41 PM EST
There is a saying in Kerala's Kasaragod that you won't find a street in Dubai without a person from the district in it. The Naif region, which is around 2.5 kilometers away from the Deira side of Dubai is almost a mini-Kasaragod,
Ex Somali PM Nur Ade succumbs to COVID-19 in London
-
HOL
4/1/2020 4:54 AM EST
LONDON (HOL) - The former Prime Minister of Somalia Nur Hassan Hussein has died in London after contracting the deadly COVID-19 disease.
Major leap for Somalia as Paris Club creditors cancel $1.4b debt
-
HOL
4/1/2020 2:13 AM EST
PARIS (HOL) - A group of creditors under the Paris Club framework have agreed to cancel Somalia’s debt amounting to $1.4 billion marking a major milestone in the country’s quest for debt relief.
Ethiopia defers landmark August vote due to coronavirus
-
AFP
4/1/2020 2:02 AM EST
Ethiopia’s Election Commission announced Tuesday that general elections due in August would be delayed because of the coronavirus pandemic, in a setback for the country’s fragile democratic transition.
University of Minnesota develops app to help keep older drivers safe on the road
-
Star Tribune
4/1/2020 12:22 AM EST
RoadCoach improves attention and reduces risky behaviors by those over 65, but speeding continues.
White House projects up to 240K US deaths from virus as Trump warns of 'painful 2 weeks'
-
AP
4/1/2020 12:19 AM EST
President Donald Trump on Tuesday warned Americans to brace for a “rough two-week period” ahead as the White House released new projections that there could be 100,000 to 240,000 deaths in the U.S.
Al-Shabaab Says It Executed Six People in Somalia for Spying
-
Bloomberg
4/1/2020 12:16 AM EST
Al-Shabaab executed six men it said were spying for Somali intelligence agencies,
Paris Club Creditors Agree to Cancel $1.4 Billion of Somali Debt
-
Reuters
4/1/2020 12:13 AM EST
WASHINGTON/PARIS — The Paris Club of creditor nations agreed on Tuesday to restructure Somalia's debt, including immediately canceling $1.4 billion owed by the impoverished Horn of Africa country.
Human Rights Group Says Two U.S. Strikes Killed Somali Civilians
-
New York Times
4/1/2020 12:10 AM EST
A report by Amnesty International challenges the American military’s claim that the February strikes hit only terrorists and no innocent bystanders.