Arbaco, April, 1, 2020 (HOL)- Puntland ayaa caawo laga bilaabo salaada maqrib kadib waxay goboladeeda ka dhaqan galindoontaa bandow lagu yarayndoono isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka, si looga hortaggo faafitaanka cudurka coronavirus.
Bandowgaan ayaa soconaya waqtiyadii habeenkii oo kaliya, sida ku xusan bayaan uu soo saaray guddiga ka hortagga iyo wacyi galinta cudurka Coronavirus, kuwaas oo dadweynaha faray inay guryahooda joogaan markuu aasku madoobaado.
Lama oga sida uu ku suurtagali karo bandowgaan, iyadoo maamulku uu horey u xakamayn waayay maandooriyaha Qaadka ee ka yimaada dalka Ethiopia, kaasoo si dhuumaalaysi ah maalin walba lagusoo galiyo gudaha Puntland.
Hase yeeshee Puntland waxay gubtay in badan oo kamid ah Qaadkaas, kadib markii laga aruuriyay suuqyada lagu iibiyo ee magaalooyinka, Gaalkacyo, Garowe iyo Bosaso.
Si kastaba ha ahaatee, Puntland weli lagama sheegin wax kiis ah oo cudurka Coronavirus ah, balse, walaaca laga qabo faafitaankiisa ayaa aad u sareeya maadaama haatan Somaliland oo deris dhow la ah laga helay labo kiis.
Ugu yaraan 15 qof ayaa xilligaan u karantiilan cudurka, shan kamid ah oo lagu arkay calaamadihiisa ayaa la sugayaa inay timaado natiijada baaritaankooda.