Soo dhaweyn loo sameeyay ku dhawaad 1000 Ardey ah oo ku biirtay Jaamacadda Banaadir
Sabti, September, 21, 2019 (HOL)- Munaasabad soo dhaweyn ah ayaa loogu sameeyay xarunta Jaamacadda Banaadir ku dhawaad Kun Ardey ah oo ku biirtay sanadkan Jaamacadda, kuwaa oo dhawaan Imtixaan u galay Kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda.
Gudoomiyaha Jaamacadda
Benaadir Dr. Maxamed Max’uud Biday oo Munaasabadaas ka hadlay ayaa ardayda
cusub uga mahad celiyey doorashada ay doorteen jaamacada Banaadir qeybaheeda
kala duwan.
“Waxaa farxad inoo ah inaan
maanta xaflad soo dhoweyn ah u sameyno boqolaal arday oo ka mid noqonaya
ardayda cusub ee Jaamacadda Banaadir sanad dugsiyeedka 2019-2020” ayuu yiri Dr.
Biday oo intaas ku daray in jaamacada Banaadir lagu bilaabay hal kuliyad
sanadkii 2002-dii taasoo ardaydii ugu horeysay ee loo qaatay ay ahaayeen 26
arday, isagoo sheegay in dedaal dheer ka dib ay haatan jaamacadu gaartay heer
wanaagsan oo xitaa aqoonyahanadii aasaasay aysan fileynin.
Dr. Biday ayaa ardayda cusub
ee Jaamacada Banaadir ku soo biiray faahfaahin ka siiyey marxaladihii ay soo
martay Jaamacada iyo guulihii ay ku talaabsatay, isagoo xusay in mudadii ay
jirtay ay ka qelin jebiyeen arday kumanaan gaareysa oo bartay culuunta kala
duwan ee laga bixiyo Kuliyadaha jaamacada, kuwaasoo maanta ka shaqeeya ayuu
yiri heyadaha kala duwan ee dalka, halka qaarkoodna ay waxbarasho sare u
doonteen dibeda.
Guddoomiyaha Jaamacadda
Banaadir ayaa sidoo kale sheegay in sanadkan ay jaamacada ka qelin jebin doonaan
arday fara badan oo wax ka barta kuliyadaha kala duwan ee Jaamacada, isagoo
xusay in Jaamacadu ay sii kordhin doonto dedaalkeeda ku aadan kor u qaadida
aqoonta ardayda Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Muasasada
Tacliinta sare ee Banaadir Dr. C/llaahi Shiikh Xuseen (Bushkuleeti) oo isna u
balan qaaday ardayda cusub ee ku soo biirtay jaamacadda iney heli doonaan
tacliin tayo sare leh iyo soo dhoweyn wanaagsan isagoo dhinaca kale kula
dardaarmay iney ilaaliyaan nidaamka iyo shuruudaha loogu talo galay in lagu
Maamulo ardayda Jaamacada.
“Jaamacada waxay degan tahay
dhowr kambas labo ka mid ah oo uu ku jiro Kambaskan cusub ayeyna Milkiyad u
leedahay, ma jirto cid ka taageertay oo aan ALLE aheyn marka laga reebo oo
ardayda oo dakhliga yar ee ka soo xerooda wax looga tashiilay” ayuu intaa ku
daray Dr. Bushkuleeti.
Senator Prof. Cusmaan Maxamuud
Dufle oo ka tirsan aqalka saree ee Baarlamanka, kana mid ah aasaasayaasha iyo
masuuliyiinta Jaamacada Benaadir ayaa khudbad uu munaasabada ka jeediyey
ardayda cusub ku bogaadiyey hamiga ay u qabaan waxbarashada wuxuuna iyaga iyo
waalidiintooda uga mahad celiyey doorashada ay doorteen iney wax ka bartaan
Jaamacada Banaadir.
“Sadar muuqda su’aal ka dhan,
Jaamacadda Benaadir waa Jaamacad laga aqoonsan yahay caalamka, waxaana taas u
daliil ah ardaydii ka baxday maanta Jaamacadaha waaweyn ee caalamka ayey
taqasusyo ku diyaariyaan, waxaana ardayda cusub leeyahay waxaad heysataan
Jaamacad shahaadada aad ka qaadataan ay noqon doonto mid aad u aayi doontaan”
ayuu Dr. Dufle oo ardayda cusub ugu baaqay iney ku dedaalaan barashada aqoonta
ay jaamacadu bixin doonto si ay mustaqbal wanaagsan u hiigsadaan.
Sidoo kale, waxaa
munaasabadaas hadalo iskugu jiray soo dhoweyn iyo baraarujin ah ka soo jeediyey
Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca Maamulka iyo Maaliyada ee Jaamacada
Banaadir Dr. C/raxmaan Xasan Cumar, Macallimiin ka socotay Jaamacadda caalamiga
ah Afrika oo ku taalla dalka Sudan, Prof. Axmed Yuusuf Guuleed oo ka tirsan
Aasaasayaasha iyo macalimiinta Jaamacada iyo iyo xubno kale.