Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo sheegay in ay ku adkaaday ku sii dhax shaqeynta madaxtooyada Soomaaliya
Talaado,
October, 08, 2019 (HOL)- Guddoomiyaha guddiga Doorashooyinka Madaxa-bannaan ee
Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil [Xaliimo Yareey] oo maanta shir jaraa’id ku qabtay
magaalada Muqdisho ayaa sheegay inta in muddo dheer kaddib ay ku adkaatay in
guddigu sii dhax shaqeeyo xafiisyada ku
dhax-yaala madaxtooyada Soomaaliya.
Guddoomiyaha
ayaa intaa ku dartay in shaqaalaha guddiga oo aad u batay iyo Xisbiyada
qaarkood oo ay ku adag tahay in ay gudaha u soo galaan madaxtooyada dardeed ay
awoodi waayeen in wixii hadda ka danbeeya ku sii dhax shaqeeyaan madaxtooyada
Soomaaliya.
‘’Guddiga
dhul weyn oo ka baxsan madaxtooyada ayuu leeyahay, madaxda sare ee Qaranka ,
dowladdaha iyo hay’addaha danbeeya arrimaha Soomaaliya oo idil waxaa ka
codsaneynaa in dhulkaa naloo dhiso si ay u awoodi karaan dadka danaha ka leh
guddiga ee doonaya in ay kala hadlaan arrimaha doorashada in ay u yimaadaan’’
ayeey ku sheegtay shirkeeda jaraa’id Xaliimo Yareey.
Qaar
ka mid ah madaxda Asxaabta Siyaasadeed ee dalka oo goob joog u ahaa shirka
jaraa’id ayaa sheegay in soo dhaweynayaa dalabka guddiga doorashada ee ah in
lagu shaqeeyo meel ka baxsan madaxtooyada Soomaaliya oo sida ay sheegeen marar
badan oo hore ay kala kulmeen caqabado la xiriira in ay gudaha u galaan
madaxtooyada.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]