4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 30, 2019
Deeq Lacageed oo la gaarsiiyay qaar ka mid ah qoysaskii ka barakacay Fatahaadda Beledweyne


Arbaco, October, 30, 2019 (HOL)- Waxaa soconaya gurmadka loo fidinayo dadka ka barakacay Fatahaadda ku dhufatay magaalada Beledweyne kuwaa oo wajahaya xiligan xaalad adag oo dhnaca nolasha ah.

Haddaba deeq lacageed oo ay soo direen Gabdho ku bohoobay Ururka Himilo oo fadhigoodu yahay magaalada Goteborg ee magaalada Sweden oo ay wakiil ka tahay Xaawo Cabdi Gaab ayaa maanta loo qebiyay qaar ka  mid ah qoysaska ku barakacay deegaanka CeelJaale ee dulleedka Bari ee magaalada Beledweyne, iyadoo deeqdan loo soo wakiishay Ustaad Maxamed Xudubeey.

Dadka deeqdan la gaarsiiyay ayaa ah kuwii ugu taagta darranaa dadka oo u baahnaa in ay helaan gargaarkan iyaga oo u mahad celiyay Gabdhaha deeqda lacageed u soo darray.

Dadka ka barakacay Fatahaadda Wabiga ayaan ilaa iyo hadda heli gaargaar micna leh marka laga soo tago dowladda Federaalka oo u soo dirtay magaalada Agab isugu jira Teendhooyin iyo macuun, hasse ahaatee dhibaatada ugu darran ee dadkaasi ay wajahayaan ayaa ah biyo la'aan deegaanka ka jirta iyo waliba dadka barakacay oo aan heysa musqulo ay isticmaalaan taasoo keeni karta caafimaad darro iyo cudurro dilaaca.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]