4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 29, 2019
Dowladda Soomaaliya oo looga digay Wadashaqeyn la'aanta guddiga Xeeldheerayaasha Qarramada Midoobey

 

Talaado, October, 29, 2019 (HOL)- Golaha Amaanka Qarramada Midoobey ayaa uga digay dowladda Soomaaliya Wadashqeyn la'aanta guddiga Xeeldheerayaasha ee QM u qaabilsan la socodka cunaqabateynta hubka.

Kaddib kulan ay Golaha Ammaanka ka yeesheen xaalada Soomaaliya ayaa ugu horreyn warbixin looga dhegystay safiirka Belgium u fadhiya QM Marc Pecsteen, oo ka hadlay muhiimada uu guddiga u leeyahay la socodka xaaladaha ka jira gudaha dalka Soomaaliya, isaga oo gaar ahaan farta ku fiiqay in guddiga si wanaagsan uga shaqeeyay hoos u dhigista dhoofinta dhuxusha iyo la socodka hubka si uusan u gelin gacanta kooxda Al-Shabaab. 

Golaha ayaa ku ku goodiyay in in ka fiirsan doonaan dhaqaalaha badan ee Beesha caalamku siiso oo ku taageero Ammaanka Soomaaliya, haddii aanay la shaqeyn Guddiga Khubarada Qaramada Midoobey u qaabilsan la socodka cunaqabateynta saaran Soomaaliya.

Gaar ahaan wakiilada dowladdaha Maraykanka, Germany iyo France ayaa waxay ugu baaqeen  madaxda Soomaaliya in la shaqeeyaan Guddiga  una  ogolaadaan in dalka tagaan oo howlahooda qabsadaan waxaana ay tilmameen in aysan madaxda soomaaliya ka aqbalayn in u soo diraan amaro iyo shuruudo cusub oo ay warqad ku soo qoreen.

Dowladda Soomaaliya wali kama aysan hadlin warka ka soo baxay Golaha Ammaanka ee la xiriira in dowladda Soomaaliya iska dhaga-marineyso baaqyada is daba joog ah ee ku saabsan wadashaqeyn buuxda oo ay la yeeshaan guddigan oo sida uu Goluhu sheegay muhiim u ah Qarramada Midoobey. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]