4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 28, 2019
Wararkii ugu danbeeyay Doon ay la socdeen mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Hiiraan oo gadoontay

 

Isniin, October, 28, 2019 (HOL)- Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Doon ay la socdeen mas'uuliyiin ka tirsan maamulka heer gobol iyo degmo ee gobolka Hiiraan iyo dad shacab ah oo ku gadoontay Biyaha ka dhashay fatahaada uu sameeyay Wabiga Shabeelle magaalada Beledweyne.

Dadka Doonta la socday oo u badnaa mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle, Duqii degmada Beledweyne, guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Askar iyo dad shacab ah ayaa la sheegay in ay ku sii jeeda deegaanka Ceeljaalle oo ah halka ay u barakaceen dadkii ka baxay Fatahaadda Wabiga Shabeelle.

Dadka Doonta la socda oo tiradooda lagu sheegay ku dhawaad 20 ruux ayaa qaarkood lagu waramayaa in ay ka dabaasheen biyaha, iyaga oo waqtiga dul saaran Saqafka kore Masjid ku yaala meel aan ka fogeyn halka ay Doonta ku degtay.

Sarkaal ka tirsan hay'adda bisha Cas ayaa Hiiraan Online u sheegay in dadka la soo badbaadiyay ay ka mid yihiin Duqa degmada Beledweyne Safiye Sheekh Xassan Cali Jimcaale iyo Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xassan Afrax.

Hasse ahaatee biyahay lagu la'yahay dad ka badan 10 ruux oo ay ka mid tahay La taliyihii dhinaca Haweenka ee madaxweynaha dowlad gobolleedka HIrshabeelle 

Fatahaadda uu sameeyay Wabiga Shabeelle ayaa saameyn xooggan ku  yeeshay xaafadaha magaalada,  waxaana jira dad wali ku dhax go'doonsan biyaha dhaxdooda oo doonaya in gurmad loo fidiyo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]