4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 27, 2019
Trump oo xaqiijiyay geerida hoggaamiyihii Daacish

Axad, October, 27, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Mareykanka,Donald Trump ayaa sheegay in hoggaamayaha ururka Daacish,Abu Bakr al-Baghdadi lagu dilay weerar milatariga Mareykanku ay ka fuliyeen shalay gudaha Syria.

Trump ayaa sheegay in Baqdaadi uu ku cararay god dhulka hoostiisa ah, iskuna qarxiyay suunka qaraxyada oo uu xirnaa, iyadoo qaraxaasina ay ku dhinteen sadde carruur ah oo uu dhalay.

“Marekanka wuxuu caddaaladda marsiiyay hoggaamiyihii ugu weynaa argagixisada.” ayuu yiri Trump oo la hadlay saxaafadda.

Wuxuu sheegay howlgalkaa oo habeenkii Sabtida ka dhacay magaalada Idlib ee waqooyiga bari dalka  Suuriya inaysan wax ku noqon Askarta Marekanka.

Isagoo sii hadlaya, madaxweynaha Marekanka wuxuu sheegay in 11 carruur ah laga badbaadiyay guriga uu degganaa - “ Dunidda hadda waa amni waayo waxaa la dilay ninkii ugu cadowsanaa.” ayuu raaciyay.

Hoggaamiyaha kooxda isku magacowda dowladda Islaamka ayaa lagu sheegay ninka loogu doonista badnaa caalamka, bishii October ee sanadkii 2011- ka Marekanka wuxuu u aqoonsaday ‘argagixiye’, waxaa markaa la dul-dhigay 10 milyan oo doollar oo la sheegay in lagu abaalmarin doono ciddii xog sahlaysa in nolasha lagu qabto ama la dilo soo gudbisa.

Kooxda uu hoggaamin jiray ee Daacish, waxay sheegatay mas’uuliyada iyo abaabulka weerarro dad badan lagu dilay oo meelo badan oo caalamka ah ka dhacay.

Baqdaadii, waxaa magaciisa dhabta ah lagu sheegaa  , Ibaarim Awad Al-badri, wuxuu ku dhashay sanadkii 1971-kii deegaan ku dhow Samarra oo dhacda waqooyiga magaalada Baghdad.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]