4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 27, 2019
Deni iyo James Swan oo ka wadahadlay sidii la isagu soo dhaweyn lahaa DF iyo Jubbaland


Axad, October, 27, 2019 (HOL)-Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland,halkaa oo uu kula kulmay madaxweynaha Puntland iyo xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda.

Kullanka ayaa inta uu socday looga hadlay arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga, iyadoo marka uu soo dhammaaday ay si wadajir ah warbaahinta ula hadleen madaxweynaha Puntland iyo wakiilka Qaramada Modoobay.

“Maanta waxaa Garoowe Nagu soo booqday Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayey  waxaan aad uga sheekaysanay horumarka siyaasadeed ee uu dalku marayo iyo amni, runtii waxa ay qireen marxaladda hadda Soomaaliya ay ku jirto in ay u baahan tahay wadahadal dheeriya, si arrimaha taagan ee qabyada ka ah, horumarka siyaasadeed ee dalka aragti midaysan ay ka yeeshaan dadka Soomaaliyeed, iyagoo markasta eegaya maslaxadda guud ee dadka Soomaaliyeed meelkasta ay joogaan,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland oo inta ku daray “Waxaan si dhaw uga wadahadalnay sidii isu soo dhoweyn looga samayn lahaa DFS iyo Dowladdaha xubnaha ka ah , gaar ahaan arrinta Jubbaland oo runtii muddadii u dambaysey caqabad ay ka taagnayd waxaan rajaynayaa dadaalka ay wadaan beesha caalamku, dadaalka ummadda Soomaaliyeed iyo dadaalka Puntland ay ka waddo arrintaasi inay midhadhali doonaan.”

Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa xusay in Puntland diyaar u tahay ka qayb qaadashada geeddi socodka siyaasadda, Amni, iyo Dhaqaalaha dalka, heeganna mar-walba u tahay ilaalinta midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Ergeyga Gaar ka ah ee Qaramada Midoobey Soomaaliya Mr James Swan ayaa dhankiisa boggaadiyay horumarka ballaaran ee ay Puntland ka gaartay dhan walba.

“Kuwani waa tusaalayaal xooggan oo muujinaya sida ay Puntland uga go'an tahay hirgelinta horumar dhaqaale iyo mid bulsho iyo weliba hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda, taas oo aan aad u boggaadinayo. Muddadii aan ku jirnay booqashadeenna Puntland waxan muujinay sida ay muhiim u tahay iyo bulshadu hesho nabad iyo ammaan. Puntland waxan aad ugu bogaadinaynaa hawlgallada ay waddo ee ka dhanka ah Al-Shabaab.” ayuu yiri  Swan.

Gabagabadii, wuxuu wakiilka Qaramada Midoobay uga mahadceliyay madaxweynaha Puntland isku-deyada lagu raadinayo in la isugu soo dhaweeyo dowladda Federaalka iyo dowlad-gobolleedyada, isagoo marka soo hadal qaadday shirkii Garoowe ka qabsoomay bishii May.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]