4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 27, 2019
Gaadiidley xiray Isgoyska KM4 magaalada Muqdisho

 

Axad, October, 27, 2019 (HOL)- Wadayaasha gaadiidka BL-ka dadweynaha ayaa saakay xiray Isogyska KM4 oo ah marin muhiim u ah isku socodka guud ahaan magaalada Muqdisho.

Dibadaxa ay dhagayaan wadayaasha gaadiidka dadweynaha oo soo bilaawday maalintii shalay ayaay sii xoogeysay maanta iyaga oo cabanaya canshuurta oo lagu koriyay iyo inta badan jidadka magaalada oo xiran.

Wariyayaasha ayaa loo diiday in ay muuqaalo iyo sawirro ka qaataan dibadbaxa waxaana qaar ka mid ah la sheegay in laga jajabiyay Kaamriyooyinkii ay wax ku duubayaan lana jir dilay.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay sababo  amni u xirtay inta badan jidadka Muqdisho, waxaana ay arintan caqabad weyn ku noqotay isku socodka magaalada madaama gaadiidka aan loo ogoleyn in ay isaga gudbaan degmooyinka gobolka Banaadir. 

Wadayaasha iyo milkiilyaasha gaadiidka ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan dibadbaxyada ilaa wax ka badan lagu sameynayo wax-yaabaha ay ka cabanayaan gaar ahaan canshuurta oo ay sheegeen in lagu kordhiyay. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]