4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 27, 2019
Aqalka sare oo Dood ka yeelanaya qoddobo uu ka mid yahay hindise sharciyeedka Batroolka

 

Axad, October, 27, 2019 (HOL)-Xildhibaannada Aqalka sare oo ayaa maanta mar kale kulankoodii caadiga ahaa ku yeelanaya magaalada Muqdisho, iyaga oo ka doodi doona ajandayaal iyo hindise sharciyeedyo muhiim ah.

Ajendayaasha lagu wado in maanta xildhibaannada Aqalka sare ka Doodaan ayaa waxaa ka mid ah  Akhrinta Hindise-Sharciyeedka Shidaalka ama Batroolka iyo Akhrinta Saddexaad Sharciga Xaquuqda Siyaasiyiinta Dowladda.

Xildhibaannada Aqalka Sare ayaa Khamiistii la soo dhaafay waxaa ay  yeesheen Kulankoodii caadiga ahaa, iyada oo Akhrinta 2aad marsiiyey  hindise-Sharciyeedka dakhliga Guud ee Qaranka, sidoo kalena ansixiyay  xubin cusub oo kamid noqaneeysa guddiga madaxa- bannaan ee doorashooyinka Qaranka.

Kulankii ugu danbeeyay ee Khamiistii ay yeesheen xildhibaannada Aqalka Sare ayaa waxaa hortagay Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle oo faah faahin ka siiyay Golaha Hindise sharciyeedka dakhliga guud ee Qaranka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]