4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 26, 2019
Mareykanka oo gobolka Bari duqeyn ku dilay dagaalyahanno ka tirsan ISIS

 

Sabti, October, 26, 2019 (HOL)-Duqeyn ay ka fuliyeen diyaaradaha Mareykanka gobolka Bari gaar ahaan Buuraleyda Golis ayeey saraakiisha Mareykanku sheegeen in ay ku dileen saddex ruux oo ka tirsan ISIS.

''Buuraleyda Golis waa meel caan ku ah kooxaha argagixisada gaar ahaan ISIS ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay saraakiisha Mareykanka ee Africom.

Warka ka soo baxay Africom ayaa sidoo kale lagu sheegay in howlgalada noocan oo kale ah iyo duqeymaha cirka ee Mareykanka yihiin kuwo taageerro militari siinaya Dowladda Soomaaliya si looga adkaado kooxaha argagixisada sida ISIS iyo Al-shabaab.

Weerarrada duqeymaha Mareykanka ayaa sanadkan 2019 kordhay, iyaga oo fuliyay ilaa 55 weerar oo dhinaca cirka marka la barbardhigo sanadkii 2018 oo ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka 47 duqeymo dhinaca cirka ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]