4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 26, 2019
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo dheeraad ah geysay degmada Dhuusa-Mareeb ee gobolka Galguduud

 

Sabti, October, 26, 2019 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa lagu waramayaa in ciidamo dheeraad ah geysay degmada Dhuusa-Mareeb oo ay ka jiraan xiisado siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda.

Ciidamada cusub oo ka tirsan Kumaandooska Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in laga kala keenay magaalooyinka Muqdisho iyo Gaalkacyo iyaga oo ku biiraya ciidamo ay horay dowladdu u geysay degmada Dhuusa-Mareeb.

Wararka ayaa intaa ku daraya in saacadaha soo socda halkaa taggi wafdi uu horkacayo Ra'iisal Wasaare Xassan Cali Kheyre.

Khilaafka siyaasadeed ka taagan Dhuusa-Mareeb  wehliyay dhaq dhaqaaqyo ciidan,  iyadoo habeen ka hor ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya la sheegay in ay rasaas ku fureen guriga uu magaalada ka degan yahay madaxa Xukuumadda Galmudug, islamarkaana ah hoggaamiyaha Ahlu Sunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan.

Dadka qaar ayaa aaminsan in haddii ay sii socdaan dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed iyo militari ee iska soo horjeeda isku badali karaan gacan ka hadal, ilaa iyo haddana Dowladda wax war ah kama aysan soo saarin xiisada Dhuuas-Mareeb.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]