3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 17, 2019
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay ogoshahay go'aanka Maxkamada ICJ in uu noqdo mid kama dambeys ah


Khamiis, October, 17, 2019 (HOL)-Ra'iisal wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahadi Maxamed Guulleed Khadar ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya soo dhaweyneyso in go'aanka maxkamadda ICJ ee dib u dhigista Dacwadda Badda uu noqdo mid kama dambeys ah.

Ra'iisal wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya hor u diiday dalabka dowladda Kenya ee ahaa in dib loo dhigo dhageysiga Dacwadda mudo sanad ah, laakiin markan ay soo dhaweynayaan dhinacooda in go'aankan uu noqdo mid kama danbeys ah oo ay Maxkamaddu qaadatay.

Maxkamada ICJ waxay galabta go’aamisey in dhigeysiga dacwada badda ee u dhaxeysa Somalia iyo Kenya laga dhigo June 8- 12, 2020. Iyadoo go’aankeeda ku cadeeysey inay fileyso in labada waddan u yimaadaan dhigeysiga maxkmada. Go’aankaana u yahay mid kama dambeys ah.

Kenya ayaa labo jeer oo hore codsatay in dib loogu dhigo dhageysiga dacwadda Dowladda Soomaaliya-na waa ay ka biyo diiday, balse Maxkamada ayaa labadaa jeerba dib u dhigtay, inkastoo uu u muuqdo in go'aankan danbe uu noqonayo mid kama dambeys ah oo marka la gaaro bisha June la guda-gali doono dacwada iyo dhageysigeeda. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
 

 













Click here
10/17/2019 1:34 PM EST
Khamiis, October, 17, 2019 (HOL)-Hawlgallo ay fuliyeen Ciidanka Bookiska ee DDS ayaa lagu soo ururiyay waxyaabo loo isticmaalo maandooriyaha oo ay kamid tahay Shiishada iyo Xashiishadda.

10/17/2019 12:16 PM EST
Khamiis, October, 17, 2019 (HOL)-Maxkamada Cadaallada Aduunka ICJ ayaa mar kale dib u dhigtay dhageysiga dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya, kaddib markii ay dhawaan codsatay Kenya in muddo sanad ah dib loo dhigo dhageysiga Kiiska.

10/17/2019 12:02 PM EST
Khamiis, October, 17, 2019 (HOL)-Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Cawaale guddoomiyihii hore ee degmada Maxaas shaqsi kale oo magaciisa lagu sheegay Nuur Ibraahim Mahad-Alle ayaa maanta ka soo hormuuqday Maxkamada ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

10/17/2019 10:19 AM EST
Khamiis, October, 17 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya dalka Koonfur Africa ayaa sheegaya in koox burcad ah muwaadin Soomaaliyeed oo ganacasade ah ku dileen deegaan ka fog magaalada Johannesburg

10/17/2019 6:56 AM EST
Khamiis, October, 17, 2019 (HOL)-35 qof oo ajaanib ah ayaa geeriyooday, afar kalena way dhaawacmeen kadib markii baskii ay saarnaayeen uu ku dhacay baabuur kale, meel u dhow magaalada barakaysan ee Medina, sida ay Khamiista sheegtay warbaahinta dowladda Sacuudiga.

10/17/2019 4:00 AM EST
Khamiis, October, 17, 2019 (HOL)-Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyada dilal dilal xalay siyaabo kala duwan uga dhacay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir.

10/17/2019 1:34 AM EST
Khamiis, October, 17, 2019 (HOL)-Iyadoo deegaannada Puntland siweyn ugu soo badanayaan Kiiska la xiriira Kufsiga, ayeey laamaha Amaanka magaalada Boosaaso ee gobolka Bari waxaa ay gacanta ku dhigeen rag gudaha iyo daafaha magaalada ka geystay falal Kufsi ah.

10/17/2019 1:24 AM EST
Khamiis, October, 17, 2019 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya XFS Xasan Cali Khayre ayaa u ambabaxay magaalada Washington ee dalka Maraykanka oo uu uga qayb gelayo shirka sannadlaha ah ee Bangiga adduunka iyo hey’adda lacagta adduunka IMF

10/17/2019 1:17 AM EST
Khamiis, October, 17, 2019 (HOL)-Laba ruux ayaa ku geeriyootay saddex kalena way ku dhaawacmeen kadib markii gaari ay la socdeen uu ku rogmaday duleedka magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

10/17/2019 1:10 AM EST
Khamiis, October, 17, 2019 (HOL)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay saddex ruux oo xalay lagu dilay magaalada Muqdisho, waxaana mas'uuliyada sheegtay Al-shabaab.