4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 17, 2019
Sacuudiga: 35 qof oo u socday Cumrah oo shil ku dhintay

 

Khamiis, October, 17, 2019 (HOL)-35 qof oo ajaanib ah ayaa geeriyooday, afar kalena way dhaawacmeen kadib markii baskii ay saarnaayeen uu ku dhacay baabuur kale, meel u dhow magaalada barakaysan ee Medina, sida ay Khamiista sheegtay warbaahinta dowladda Sacuudiga.

Shilkan ayaa dhacay habeenkii Arbacada, sida uu sheegay afhayeenka booliska magaalada Medina, oo ay soo xigatay wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA.

Dadka ku dhintay shilkan ayaa ahaa Carab iyo Asian ka safrayey Medina una socday Makkah, si ay usoo Cumrah gutaan, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda oo muujisay sawirrada baska oo holcaya.

Wakaaladda wararka SPA ayaa sheegtay in dadka dhaawacmay la geeyey isbitalka Al-Hamna. Mas’uuliyiinta ayaa billaabay baaritaan.

Wargeyska Okaz ee Sacuudiga ayaa sheegay in dhibanayaasha ay ahaayeen ajaanib ku nool Sacuudiga oo soo Cumrah gudanayey.

Barasaabka gobolka Medina, Amiir Faisal bin Salman ayaa tacsi u diray ehellada dhibanayaasha.

Weli lama shaacin dalalka ay u dhasheen dhibanayaasha, balse ra’iisul wasaaraha India Narendra Modi ayaa sidoo kale ka tacsiyeeyey shilkan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]