4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 17, 2019
Dad loo xir xiray kiisas la xiriira Kufsi magaalada Boosaaso ee gobolka Bari

 

Khamiis, October, 17, 2019 (HOL)-Iyadoo deegaannada Puntland siweyn ugu soo badanayaan Kiiska la xiriira Kufsiga, ayeey laamaha Amaanka magaalada Boosaaso ee gobolka Bari waxaa ay gacanta ku dhigeen rag gudaha iyo daafaha magaalada ka geystay Kufsi waqtiyo kala duwan dhacay.

Taliyaha Saldhiga Bartamaha magaaladda Boosaaso Gaashaanle Sare Yuusuf Axmed Ciise ayaa sheegay in Ciidanka Ammaanka ay sidoo kale ku daba jiraan shaqsiyaad kale oo lagu tuhmaayo Kufsi.

Saddex kiis oo ka mid ah kufsiga  haweenka ayaa la horgeeyey maxkamadda iyadoo lagu riday xukuno sanooyin ah, dhinaca kale ciidamada Amaanka ayaa gacanta ku dhigay saddex Kiis kale oo isla Kufsi ah.

Degaanada maamulka Puntland ayaa inta badan waxaa ka dhaca Falal  Kufsi ah oo Hay’adda Ammaanka ay tilaabo ka qaadaan Shaqsiyaadka  dambeeya, waxaana ka mid ah Kiiska wali socda ee Caaisha Ilyaas oo dadkii ka danbeeyay aan wali lagu fulin xukun dil ah oo lagu riday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]