4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 17, 2019
Soomaaliya oo ka qeybgaleysa shirka Sanadlaha ee Bankiga Aduunkga oo ka furmaya Washington

 

Khamiis, October, 17, 2019 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya XFS Xasan Cali Khayre ayaa u ambabaxay  magaalada Washington ee dalka Maraykanka oo uu uga qayb gelayo shirka sannadlaha ah ee Bangiga adduunka iyo hey’adda lacagta adduunka IMF

Shirka Sannadlaha ah oo looga hadlo horumarrada maaliyadeed, caqabadaha iyo wixii ka hir galay qorshayaashii maaliyadeed ee lagu soo bandhigay shirka guga ayaa waxyaabaha sannadkaan looga hadlayo waxaa kamid ah barnaamijka geedi socodka deyn Cafiska Soomaaliya.

Kheyre ayaa sidoo kale inta uu joogo Washington  waxaa uu kulamo la yeelanayaa madaxda Bangiga Adduunka iyo hey’adda  lacagta adduunka oo uu kala hadlayo in Soomaaliya lagu garab siiyo  qorshaha deynta looga cafinayo dalka oo meel wanaagsan soo gaaray.

Dowladda Soomaaliya oo ay ka go’antahay ka guul gaaridda qorshaha  deynta looga cafinayo dalka ayaa horay ugu guuleysatay shuruudihii ku  xirnaa sedaxdii waji ee ugu horreeyay, waxaana hadda si wanaagsan ku  socda wajiga afaradaad SMP4.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]