4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 17, 2019
Dad ku dhintay shil gaari oo ka dhacay dulleedka degmada Dhuusa-Mareeb

 

Khamiis, October, 17, 2019 (HOL)-Laba ruux ayaa ku geeriyootay saddex kalena way ku dhaawacmeen kadib markii gaari ay la socdeen uu ku rogmaday duleedka magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Gaariga oo kusii jeeday deegaanka Xanan Buure ayaa la sheegay inuu ka ambaxay magaalada Dhuusamareeb. Dhamaan dadkii ku dhintay shilka iyo kuwa ku dhaawacmay ayaa ahaa rakaabkii gaariga saarnaa.

Dadka dhaawaca ah ayaa hadda lagu dabiibayaa cisbitaalka Dhuusamareeb iyadoo la sheegayo in dhaawacyada qaar ay culus yihiin.

Shilalka soo noqnoqday ee gawaarida ayaa loo sababeeyaa burburka waddooyinka ee gobollada dalka oo aan wax dayactir ah heli intii ka dambeysay 1991 kii.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]