3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 16, 2019
Taliye-yaasha saldhiga Booliiska degmooyinka gobolka Banaadir oo isku-shaandheyn lagu sameeyay

 

Arbaco, October, 16, 2019 (HOL)-Taliska cusub ee Booliiska Soomaaliyeed ayaa isku shaandheyn ku sameeyay taliye-yaasha Saldhigyada iyo hoggaanka degmooyinka gobolka Banaadir.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xassan Xijaar ayaa  saraakiil u magacaaay xilal sare halka kuwa kalana xilalkii laga qaaday.

La-taliyaha sare Taliyaha ciidanka booliiska  ayaa loo magacaabay Cabdifitaax Mire oo hore u ahaa taliyaha Saldhigga Wilyow Cadde

Yaasiin Nuur Kheyre Ganey ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhiga Booliska Dharkeenley

Gaashaanle Mahad Cabdi Xakiin Cumar ( Mahad Koroow) ayaa  loo magacaabay Taliyaha Qaybta Booliiska Waliyow Cadde.

Taliyaha Birmadka ciidanka boliiska ayaa loo magacabay Yuusuf Hundubay oo horay u ahaa taliyaha Saldhig Galbeed

Taliyaha Daraawiishta Booliiska ayaa laga dhigay Gaashanle sare Cabdulaahi Mire Siyaad

Taliyaha qaybta Galbeed ayaa loo magacaabay Maxamuud Xusseen, Taliyaha Laanta socotada ciidanka Booliiska Cabdirashiid Aadan Xirsi.

Taliye-yaasha saldhigyada iyo qeybaha gobolka Banaadir ayaa saddexdii  sano ee la soo dhaafay waxaa lagu sameynayay isku shaandheyn iyo xilka  qaadis lagu sameynayay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
 

 
 













Click here
10/16/2019 2:41 PM EST
Arbaco, October, 16, 2019 (HOL)-Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta gabi ahaanba albaabada u laabay xarumaha shirkadda CAMEL FOREX oo ah xaruumo ganacsi oo qaab Online ah looga kala Sarifto lacagaha qalaad.

10/16/2019 2:26 PM EST
Arbaco, October, 16, 2019 (HOL)-Kulanka waxaa goob joog ahaa guddoomiyaha golaha shacabka ee BJFS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ,guddoomiyaha golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Dalka Mudane Cabdi xaashi cabdullaahi Guddoomiye kuxigeenada koowaad iyo labaad ee Aqalka Sare iyo sidoo kale xubnaha Guddiga dib u eegista iyo la socodka ee baarlamaanka.

10/16/2019 12:48 PM EST
Arbaco, October, 16, 2019 (HOL)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale beyle oo ku sugan Magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa halkaasi kula kulmay Xubno ka tirsan Sanduuqa Lacagta Aduunka.

10/16/2019 11:06 AM EST
Arbaco, Octobar 16, 2019 (HOL)–Wasiirkii Maaliyada Somaliland Dr:Sacad Cali Shire ayaa sheegay in lixdii bilood ee u horeeyey sanadkan lacag ka badan 190 milyan oo dollar lagu soo iibsaday Qaad.

10/16/2019 10:49 AM EST
Arbaco,Oktoobar,16, 2019 (HOL)–Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay munaasibad loogu dabbaaldegayo maalinta cuntada adduunka oo ku beegan 16-ka Bisha Tobnaad oo maanta lagu qabtay magaalada Hargeysa.

10/16/2019 7:58 AM EST
Arbaco, October, 16, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya deegaanno ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in isgaarsiintii aysan shaqaynayn iyadoo dhinaca kale ay jiraan dhaqdhaqaaqyo milatari oo ka socda waddada u dhaxaysa magaalada Baydhaba iyo Buurhakaba.

10/16/2019 4:43 AM EST
Arbaco, October, 16, 2019 (HOL)- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax subaxnimadii hore ee saakay ka dhacay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

10/16/2019 4:36 AM EST
Arbaco, October, 16, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa dalacsiiyay Taliyaha Amaanka Garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo oo lagu magacaabo Sadiiq Maxamed Dhogor.

10/16/2019 2:08 AM EST
Arbaco, October, 16, 2019 (HOL)-Magaalada Dhuusa-Mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud waxaa kulan deg deg ah ku yeeshay laamaha kala duwan Dowladda Federaalka iyo Dowlad gobolleedka Galmudug.

10/16/2019 1:53 AM EST
Arbaco, October, 18, 2019 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in kooxo hubeysan halkaa ku gubeen Gaari khudaar u soo siday magaalada Muqdisho.

10/16/2019 1:32 AM EST
Arbaco, October, 16, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadii shalay ku dhawaaqay inuu dalka Turkiga u dirayo wafdi heer sare ah oo uu hogaaminayo ku xigeenkiisa Mike Pence, si ay Turkiga ugu cadaadiyaan inuu joojiyo dagaalka uu ku qaaday Waqooyiga Suuriya.

10/16/2019 1:27 AM EST
Arbaco, October, 16, 2019 (HOL)- Dowlad Gobolleedka Puntland ayaa markii ugu horeysay sahaciyay tirada iyo dalalka ay ka soo jeedaan Maraakiib si sharci darro ah uga guuleysta xeebaha deegaannada uu maamulku ka armiyo.