4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 16, 2019
Mareykanka oo wafdi u diraya dalka Turkiga

 

Arbaco, October, 16, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadii shalay ku dhawaaqay inuu dalka Turkiga u dirayo wafdi heer sare ah oo uu hogaaminayo ku xigeenkiisa Mike Pence, si ay Turkiga ugu cadaadiyaan inuu joojiyo dagaalka uu ku qaaday Waqooyiga Suuriya.

Trump wuxuu sheegay in wafdigan oo uu sidoo kale ku jiro wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ay Turkiga u amba bixi doonaan maanta oo Arbaca ah, hadafka ugu weynna uu yahay sidii ay Anakra u weydiisan lahaayeen xabad joojin.

Mike Pence oo lagu wado inuu madaxweyne Erdogan Khamiista berrito ah la kulmo, ayaa miiska saari doono shuruudo ay ku jiraan xabad joojin deg deg ah wada-xaajood ay Turkiga kala galaan arrinta dib u dejinta qaxootiga Suuriya.

Sidoo kale waxay isku soo qaadi doonaan arrinta cunaqabateynta uu Mareykanka saaray Turkiga, taasoo oo uu maamulka Trump wacad ku maray in lasii xoojin doono haduu uusan Turkiga ka laaban weerarka uu ku hayo maleeshiyaadka Kuddiyiinta Suuriya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]