3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 15, 2019
Khamri iyo dadkii ka ganacsanayay oo lagu qabtay degmada Dhuusa-Mareeb

 

Talaado, October, 15, 2019 (HOL)-Ciidamada Amaan ka degmada Dhuusa-mareeb ayaa lagu waramayaa in ay gacanta ku dhiggeen tiro badan oo Khamri ah iyo dadkii ka ganacsanayay.

Saraakiisha ciiadmada Amaanka ayaa sheegay in Saddex ruux oo lagu soo qabtay  la soo taagi doono maxkamad si sharciga loo waafajiyo.

Dadka ku dhaqan degmada ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in markii ugu horeysay lagu qabto degmada Khamri ganacsi ahaan loo keenay, iyadoo aan horay looga baran deegaannadan guud ahaan gobolka Galguduud oo ay maamulayeen Ahlu Sunna Waljameeca.

Toddobaadkii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Boosaaso lagu qabtay khamro badan iyo dadkii watay.

Dadka ku nool magaalada Dhuusomareeb ayaa aad u hadal haya khamrigan  tirada badan ee maanta magaaladaasi lagu soo bandhigay, waxaana horey  magaaladaasi ugu yaraa maandooriyaasha sida khamriga oo kale.

Inta badan hadad marka la eego gobollada dalka Soomaaliya waxaa caadi ka ah ka ganacsiga Khamriga oo la sheegay in Soomaaliya laga soo galiyo dhinaca Itoobiya. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 
 

 













Click here
10/15/2019 2:06 PM EST
Talaado, October, 15, 2019 (HOL)-Rag hubeysan ayaa ugu yaraan 16 qof ku dilay, islamarkaana qiyaatsii tobaneeyo kale ku dhaawacay xaafad yar oo ku taalla waqooyiga bari ee dalka Ethiopia, sida ay booliska sheegeen Isniintii.

10/15/2019 11:09 AM EST
Talaado, October, 15, 2019 (HOL)-Doon usoo socotay magaalada Boosaaso oo rar kasoo qadaday deked ku taalla dalka Cummaan ayaa la sheegay inay ku degtay xeebaha badweynta Hindiya.

10/15/2019 8:19 AM EST
Talaado, October, 15, 2019 (HOL)-Gudoomiyaha golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay inuu xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI uu cabasho ka muujiyey laba xubnood oo lagu soo daray guddida doorashooyinka ee cusub.

10/15/2019 7:13 AM EST
Talaado, October, 15, 2019 (HOL)-Qatar ayaa difaacday hawlgalka Turkiga ee ka dhanka ah dagaal-yahannada Kurdish-ka ee Waqooyiga Syria, ayada oo sheegtay in Ankara ay u dhaqaaqday inay ka hortagto “halis kusoo wajahneyd”.

10/15/2019 5:52 AM EST
Talaado, October, 15, 2019 (HOL)-Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Cismaan Barre Maxamed ayaa ku amray xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle inay dib ugu soo laabtaan magaalada Jowhar xarunta dowlad goboleedka HIrshabelle kadib markii uu dhamaaday fasaxii ay ku jireen.

10/15/2019 4:09 AM EST
Talaado, October, 15, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in uu diyaar u yahay wadahadal lagu xalinayo wax kasta oo la kala tirsanayo.

10/15/2019 2:05 AM EST
Talaado, October, 15, 2019 (HOL)- Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay Gaadii lagu soo xardhay Sawirrada madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo RW Kheyre oo maalintii shalay lagu soo bandhigay xuska Sanad-guuradii Labaad ee ka soo weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee 14kii October 2017 ka dhacy Isgoyska Zoobe.

10/15/2019 1:39 AM EST
Talaado, October, 15, 2019 (HOL)- Mas'uuliyiinta sare ee Ahlu Sunna Waljameeca ee fadhiggoodu yahay degmada Dhuusa-mareeb ee Gobol Galguduud ayaa dood ka keenay guddi dhawaan dowladdu u saartay farsamada iyo dhismaha maamulka Galmudug.

10/15/2019 12:32 AM EST
Talaado October, 15, 2019 (HOL) - Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa soo saaray qoraal jawaab celin u ah warbixiintii dhawaan ka soo baxday xaafiiska Hanti Dhowraha Qaranka taasi oo sheegaysay in 18 milyan oo dollar ay ka maqan tahay qasnadda dowladda Federaalka.

10/15/2019 12:14 AM EST
Isniin, October, 14, 2019 (HOL) - Ayada oo nagu soo fool leedahay doorashada federaalka ee dalka Kanada, ayaa waxaa bishaan 13keedii lagu qabtay magaalada Ottawa kulan looga hadlayo muhimadda ay leedahay in laga qayb-qaato doorashada dhawaan ka dhici doonto dalka Kanada.