4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 15, 2019
Xisbiga WADDANI oo dalbaday in laga saaro komishanka cusub ee doorashooyinka laba xubnood

 

Talaado, October, 15, 2019 (HOL)-Gudoomiyaha golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay inuu xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI uu cabasho ka muujiyey laba xubnood oo lagu soo daray guddida doorashooyinka ee cusub.

Sidoo kale waxa uu xakiyey xisbiga WADDANI xubintii uu usoo magacaabay gudida doorashooyinka illaa labadan xubnood ee uu ka cabanayo laga reebo liiska komishanka.

Shirgudoonka golaha wakiilada ayaa loo soo gudbiyey todobadii xubnood ee Komishanka doorashooyinka cusub, kuwaas oo ay soo kala magacaabeen saddexda xisbi, golaha Guurtidda iyo madaxweynuhu, haseyeeshee waxa muran abuurey laba xubnood oo uu madaxweynuhu soo magacaabay oo xisbiga WADANI ku eedeeyey in aanay dhex u ahayn saddexda xisbi .

“Todobadii xubnood oo dhamaystiran waa la noo soo gudbiyey, goluhu waajibadkiisa dastuuriga ayuu ka qabanaya”ayuu yidhi gudoomiye Baashe Maxamed Faarax oo ka hadlayey in dhamaystirka komishanka doorashooyinka cusub.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay cabasho uga timid xisbiga WADANI oo ka hor yimid in guddidan laga saaro laba xubnood, waxaanu yidhi “Waraaq waxa soo qoray xisbiga WADDANI oo uu ku xakinayo xubintiisii ka dib markii uu cabasho ka muujiyey, waxaanay ka cabanayaan laba xubnood oo midna ay leeyihiin kulmiye ayuu ka tirsan yahay midna ay tahay haweenay oo ay sheegeen inay ka mid tahay Komishankii hore ka mid ahayd”

Arrintan ayaa iyaduna muran kale iyo is jiid jiid cusub keeni doonta, waxaanay dib usii dhigaysa doorashadii la filayey inay bilaha soo socda dhacdo.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.