Isniin, October, 14, 2019 (HOL)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta ku qaabilay Muqdisho Agaasime goboleedka Hey’adda Caalamiga ee Socdaalka (IOM) xafiis goboleedkeeda Bariga iyo Geeska Afrika, Mudane Mohammed Abdiker, oo uu kala hadlay dhowr arrimood oo ahmiyad wadaag leh, oo ay ku jirto u fidinta taageerrada laga-maarmaanka ah ee muhaajiriinta Soomaaliyeed ee ku sugan dhowr dal oo Afrika, Aasiya iyo Yurub , iyaga oo ku jira xerooyin ay kala kulmayaan xaalad daran oo nololeed.
Waxaa kulanka sidoo kale lagu faaqiday taageeridda qorshaha
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee ku aaddan Qurba-joogta Soomaaliyeed si
loo abaabulo kulamo, madal-doodeedyo iyo seminaarro lagu xoojinayo
baraarugga iyo dareenka caafimaadsan ee qurba-joogta iyo muwaadiniinta
dal-joogga ah.
Sidoo kale waxaa kulkan loogaga hadlay sidii xad loogu yeeli lahaa
tahriibka iyo halisaha ka imaan-kara isku miidaamintiisa, sidoo kale
waxaa la isla eeggay barnaamijyada kobcinta awoodda ee lagu tayaynayo
howlwadeennada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]