4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 14, 2019
Dibadbax looga soo horjeeday howlgalo ay sameeyeen ciidamada oo ka dhacay Jowhar

 

Isniin, October, 14, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya degmada Jowhar ee xarunta u Dowlad gobolleedka Hirshabeelle ayaa sheegaya in ay halkaa isugu soo baxeen Boqolaal dadweyne ah oo ka careysnaa howlgal ay sameeyeen ciidamada Amaanka.

Qaar ka mid ah jidadka degmada dhaxmara ayeey dadka isku soo baxay ku shideen Taayirada Gaadiidka iyaga oo sidoo kalana meelaha qaar dhagax-tuurayay goobaha ganacsiga.

Mas'uuliyiinta Jowhar qaarkood oo la hadlay dadka isku soo baxay ayaa ugu baaqay in ay isdejiyaan oo ku kalsoonoodaan  maamulkooda.

“Dadka la qabqabtay waxaa lagu samey-nayaa baaritaan cidii aan wax lug  ah ku lahayn falkii xalay lagu diley guddoomiye ku xigeenkii amniga  gobolka Muxumad Sugaal waa la sii deyn doonaa,”ayuu yiri guddoomiye  Baarey.

Dadka ayaan careysnaa Boqolaal dad ah oo ay howlgalka ku qab qabteen ciidamada, kuwaa oo la sheegay in loo bartilmaameedsanayay si aan kala sooc laheyn. 

Wararka Jowhar ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamadu gurigiisa ka wateen Weriye Cabdicasiis  Macalin Foolyarey oo ka mid ah Wariyayaasha ka howlgala Jowahar.

Magaalada Jowhar ayaa xalay weerar Bambaano lagu dilay guddoomiye ku-xigeenkii Amniga gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Wiil Yar oo uu dhalay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]