4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 14, 2019
Madaxweyne Farmaajo “14 Oktoobar waa maalin murugo oo xusuus gaar ah muddan''

 

Isniin, October, 14, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo war ka soo saray Labo Sanno Guuradii ka soo wareegtay Qaraxii lagu hoobtay oo maanta oo kale 14kii October 201 ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ku tilmaamay in uu ahaa mid xusuus gaar ah muddan.

14-ka  Oktoobar waa maalin xasuus murugo u leh dadkeenna Soomaaliyeed, waa  maalin aan waynay boqollaal muwaadiniin ah oo uu taagnaa dib u dhiska  iyo horumarka dalkeenna.

Waa maalin ay argagixisadu si arxan darro ah u xasuuqeen boqolaal muwaadiniin ah oo ku hawlanaa nolol maalmoodkooda, ayna agoomeeyeen kumannaan carruur ah.

Qof kasta oo Soomaaliyeed waa uu xasuusan yahay dareenkii muragada lahaa ee ka dhashay weerarkan bahalnimada ah ee argagixisadu ay ku bartilmaameedsadeen shacabkeenna. Si la mid ah taas waxaa muhiim ah in aan xasuusanno midnimadii, gurmadkii iyo sida dhammaan dadkeenna Soomaaliyeed ay ugu wada istaageen wax u qabashada shacabkeennii ay dhibaateeyeen cadawgu.

Tan iyo wakhtigaas Dowladdu waxa ay xoojisay hawlgallada qorsheysan ee lagaga hor-tegayo falalka waxashnimada ah ee ay soo qorsheeyaan argagixisada Alshabaab, waxa ayna geesiyaasheenna Ciidamada Qalabka sida burburiyeen saldhigyo cadawgu ay ka soo maleegi jireen weerarrada arxan darrada ah, sidoo kalena waxay ciidanku ka xoreeyeen deegganno ay cadawgu ku dhibaateeynayeen muwaadiniinteenna ku nool.

Ugu dambeyntii, waxaan Alle u weydniinaynaa naxariistiisa shuhadadii innooga geeriyootay weerarkan, anigoo faraya Xukuumadda in laga warqabo dhammaan muwaadiniintii lixaadkooda ku waayey falkan banii’aadamnimada ka baxsan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]