4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 14, 2019
Madaxweyne Waare oo ka hadlay dilkii guddoomiye ku-xigeenkii Amniga Shabeellaha Dhexe

 

Isniin, October, 14, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa war ka soo saaray dilkii magaalada Jowhar loogu geystay gudddoomiye ku-xigeenkii Amniga gobolka Shabeellaha dhexe iyo Wiil uu dhalay kaddib weerar Bambaano oo lagu qaaday guri uu ka deganaa magaalada.

Qoraalka ka soo baxay madaxtooyada Hirshabeelle ayaa lagu yiri ''Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Dr Maxamed Cabdi Waare,  oo ku hadlaya Afka Golayaasha iyo kan Shacbiga Hirshabelle ayaa ka  tacsiyeeyay Geerida Allaha u naxariistee Guddoomiye ku xigeenkii amniga  Gobolka Shabeellaha Dhexe Muxumad Sugaal Cismaan iyo wiil uu dhalay oo  xalay u geeriyooday Bam gacmeed lagu weeraray hoygooda Jowhar. 

Madaxweynaha ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhamaan shacabka  Hirshabeelle, ehelkii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay Guddoomiye ku  xigeenka Amniga Shabeellaha Dhexe Muxumed Sugaal, waxaana eebe uu uga  baryay in janatul fardowsa uu ku galado.

Madaxweyne Waare ayaa tilmaamay in marxuumka uu ahaa xubin muhiim ah  oo ka baxday Maamulka iyo shacabka Hirshabelle islamarkaana uu hayay  shaqo adag oo muhiim u ah nidaamka dowliga ah, iyo xaqiijinta Amniga.

Madaxweyne Waare  ayaa  faray hey’adaha  Ammaanka in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u sameeyaan baaritaan dhab ah  oo la xiriira weerarkaasi lagu dilay marxuum Muxumed Sugaal sharcigana  la soo taago dadkii ka dambeeyay.

Ugu dambeyn Madaxweynaha  Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo sii  hadlay ayaa guud ahaan Shacbiga Hirshabelle kula dar daarmay in ay  muujiyaan feejignaan dheeraad ah meelna uga soo wada jeestaan Al-Shabaab  islamarkaana ay la shaqeeyaan Hay’adaha ammaanka sidoo kalena ay iska  hubiyaan cid kasta oo ku soo dhex dhuumaneysa.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]