4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 13, 2019
Guddoomiye ku-xigeenkii Amniga gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Wiil uu dhalay oo lagu dilay Jowhar

 

Axad, October, 13, 2019 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe  ayaa sheegaya in goor dhaw weerar Bambaano oo lagu qaaday gurigiisa lagu dilay guddoomiye ku-xigeenkii Gobolka Shabeellaha Dhexe Maxamuud Cali Sugaal iyo Wiil uu dhalay.

Lama oga cidda geysatay weerarkan Bambaano ee lagu tuuray guriga guddoomye ku-xigeenka waxaana goobta gaaray markiiba ciidamada nabad-galyada maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weerarro siyaabo kala duwan uga dhacay magaalada Jowhar iyo waddada isku xirtay Jowhar iyo Muqdisho ayaa lagu dilay mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle, waxaana uu guddoomiye ku-xigeenka la dilay noqonayaa kii labaad oo muddo bil gudaheed ah Qarax lagu dilo. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]