4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 13, 2019
Dibadbax lagu taageerayo Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya oo ka dhacay Magaalada Jigjiga


Axad, October, 13, 2019 (HOL)-Waxaa maanta galinkii hore Jigjiga ka dhacay banaanbax lagu taageerayay Abaal marintii la siiyay Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed, banaanbaxan oo dadku isugu yimaadeen Garoonka Kubadda cagta ee Jigjiga ayaa waxay dadku wateen calamada degaanka iyo dalka, iyo waliba boodhadh ay ku qornaayeen hal ku dhegyo muujinaya taageerada shacabku u hayaan Abyi Axmed.

Haddaba  banaanbaxan ayaa waxaa ka soo qayb galay madaxda degaanka u saraysa sida Madaxwaynaha DDS Mustafe cagjar iyo ku xigeenkiisa Adan Faarax, Odayaal dhaqameedka degaanka, Hooyooyin aad u badnaa iyo marti sharaf kale.

Madaxwayne Mustafe cagjar oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in dadka maamulkiisa dhaliishan ay imaan karaan degaanka oo ay doodooda si xor ah Warbaahinta degaanka uga hadli karaan, balse ma aha ayuu yidhi in degaanka meelo ka baxsan laga hadlo maadaama aysan jirin wax dhib ah oo degaanka ka jirta oo u diidaysa inuu qofku degaankiisa yimaaddo.

Mar uu ka hadlayay arrinta Gobolka Sitti ee ay dhibaatadu ka jirto ayuu sheegay Mustafe cagjar in arrintaas dilka lagu hayo Soomaalida ay wax ka qaban doonaan balse ma caddayn siday wax uga qaban doonaan.

Hadallada Madaxwayne Mustafe cagjar ayaa u muuqday kuwo jilicsan siiba markuu ka hadlayay dhibaatada ka jirta Gobolka Sitti, dadka deggan meelaha ay dhibaatadu ka jirto ee Gobolka Sitti ayaa u baahan gurmad degdeg ah oo dhanka dawladda, balse ilaa iyo hadda ma jirto gacan dawladeed oo dadkaas dhibaataysan lagaarsiiyay.

Guud ahaan jawigii goobta ee maanta ayaa ahaa mid deggan iyadoo ay ammaanka goobta ay sugayeen Ciidamada gaarka ah ee degaanka oo ay kamid yihiin Ciidanka Kamaandoosta oo si adag u sugayay amniga.

Banaanbaxan lagu taageerayay abaal marintii dhanka nabadda ee lasiiyay R/wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed ayaa sidoo kale ka dhacay degaannada dalka Itoobiya.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]