4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 13, 2019
Guddoomiyaha degmada Jowhar'' Kama tirsaneyn maamulka Hirshabeelle Ninka Odayga ah oo ay toogteen Al-shabaab

 

Axad, October, 13, 2019 (HOL)-Maamulka degmada Jowhar ee goboka Shabeellaha Dhexe ayaa beeniyay in nin da’ ah oo ay Al-Shabaab  ku dileen  deegaanka Fiidow uu ka tirsanaa maamulka degmada Jowhar uuna hayay xilka guddoomiyaha  xaafada Buulo Shiikh.

Guddoomiyaha Degmada Jowhar Cismaan Maxamed Mukhtaar ayaa sheegay in wax laga xumaado tahay in Ninka Odayga ah ee lagu toogay degmada Fiidoow ee gobolka Shabeellaha Dhexe lagu eedeeyo in uu ka tirsanaa Al-shabaab.

“Waxaa wax laga xumaado ah in qof da’ ah lagu eedeeyo inuu xil ka hayo  maamulka degmada Jowhar kadibna la dilo,waxaan idiin sheegayaa in  guddoomiyaha xaafada Buulo Sheekh uu yahay nin la yiraahdo Cabdi  Bariise,”ayuu yiri guddoomiyaha degmada Jowhar.

Guddoomiyaha degmada Jowhar ayaa sheegay in shaqsi howlgab ah oo aan wax xil ah haatan aan ka hayn maamulka degmada Jowhar uuna qof oday howlgab ah oo siddeetan sano jir ah.

Ururka Al-Shabaab ayaa dil toogasho ah ku fuliyay Cali Cabdulaahi oo ay ku eedeeyeen inuu ka mid yahay maamulka degmada Jowhar.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]