4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 13, 2019
Al-shabaab oo goob fagaaro ah ku toogtay Oday 82 sano jir ah oo ay ku eedeeyeen in uu ka tirsanaa maamulka Hirshabeelle

 

Axad, October, 13, 2019 (HOL)-Al-shabaab goob fagaaro ah deegaanka Fiidoow ee gobolka Shabeellaha dhexe waxaa ay toogasho ku fuliyeen maalintii shalay Nin Oday ah oo da'diisa lagu sheegay 82 sano jir ay ku eedeeyeen in uu ka tirsanaa maamulka Hirshabeelle.

Ninkan toogashada lagu fuliyay oo magaciisa lagu sheegay Cali Cabdullaahi Xassan ayaa lagu waramayaa in uu markii hore u tagay deegaanka ay maamulaan Al-shabaab arin ku saabsan Labo Qoys oo isku hayay dacwad dhul la xiriirtay.

Waxaa la sheegay in labada Qoys ee isku hayay dacwada garab ka mid ah ku wargaliyaan Al-shabaab in Ninkan uu ka tirsan yahay maamulka Hirshabeelle sidaa daraadeed uusan wax marqaati ka furi karin dacwada.

Al-Shabaab ayaa markii arintan ka war helleen kaddib xabsiga u taxaabay Cali Cabdullaahi kadibna maxkamad gaar ah oo ay soo taageen ayaa ku xukuntay dil toogasho ah oo ugu danbeyntii lagu fuliyay maalintii shalay.

Deegaanka Fiidow oo ku tirsan gobolka Sh/dhexe ayaa ku taal dacwad ay dadka ku nool magaalada Jowhar u tagaan garsoor,waxaana halkaa lagu kala xukumiyaa dacwado u badan ishaysadka xagga dhulka ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]