4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 13, 2019
Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka oo ku dhawaaqday diyaarinta sharciga Naafadda


Axad, October,13, 2019 (HOL)-Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqul Aadanaha Marwo Deeqo Yaasiin ayaa maata oo Axad ah magaalada Muqdisho uga dhawaaqday daah furka diyarinta sharciga Naafadda Qaranka oo qeyb ka ah balanqaadyadii Soomaaliya ee ku  xusnaa Qarramada Midoobey ee Naafadda.

Sharcigan ayeey sheegtay Wasiirku diyaarinta sharciga caalamiga ah ee Qarramada Midoobey uu fure u yahay sugida iyo dadaallada kor loogu qaadayo Xuquuqda dadka Naafadda ah.

''Balanqaadyadeena ah in aan hormarino oo aan ilaalino Xuquuqda Dadka Naafadda ah waa mid aan kala go'laheyn, Maanta waxaa bilaabeynaa cutub cusub oo ku saabsan Xuquuqda dadka Naafadda ah '' ayaa lagu yiri Bayaan ka soo baxay kulan  lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa intaa ku dartay in dadka Naafadda ah ay si buuxda qeyb uga noqon doonaan diyaarinta Hindise Sharciyeedka si loo hubiyo la haanshahooda buuuxa iyo Ixtiraamka Mabaa'diida Aas-aasiga ah,'' Waxba ma dhacayaan iyada oo aan laga tala-galin dadka Naafadda ah.

Diyaarinta Hindise-sharciyeedka Qaran ee Naafada Soomaaliya ayaa imaanaysa xilli aySoomaaliya ku guda-jirto dhaqangalinta Axdiga Qarammada Midoobay ee Xuquuqdam dadka Naafada ah. Soomaaliya waxaa ay axdigan saxiixday 2-dii Octoobar 2018,Baarlamaanka ayaa meelmariyay 18-kii May 2019-ka iyadoo uu madaxweyne MaxamedCabdullaahi Farmaajo qalinka ku duugay 21 Juun 2019

Munaasabada lagu soo bandhigay qorista Hindise Sharciyaadka Qaran ee Naafadda ayaa waxaa ka soo qeybgalay oo goob joog ka ahaa Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulshada Dowladda Federaalka Soomaaliya Sadiiq Warfaa, qaar ka mid ah Ururada dadka Naafadda ah iyo dad kale oo socda qeybaha kala duwan ee bulshada. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]