Axad, October, 13, 2019 (HOL)-Dagaal culus ayaa ka socda Magaalada ku taalla xuduuda Siiriya iyo Turkiga ee Ras al-Ain xilli ciidamada Turkiga ay howlgalo militari ka wadaan waqooyi bari Suuriya.
Militariga Turkiga ayaa waxay sheegeen inay la wareegeen magaaladaasi, balse xoogaga Kurdiyiinta ayaa arrintaasi beeniyay.
Xukuumadda Turkiga ayaa waxaa sidoo kale beenisay in ciidamadeeda ay
beegsadeen ciidamada Mareykanka ka dib markii wasaarada gaashaanhiga
Mareykanka ay sheegtay in ciidamadooda la soo weeraray.
Ugu yaraan 30 qof oo rayid ah ayaa la sheegayaa in la dilay isla
markana in ka badan 200,000 oo qof ay qaxeen afartii maalmood ee uu
dagaaka socday.
Go’aankii Madaxwayne Donald Trump ee uu ciidamadiisa kaga soo saaray
Suuriya ayaa waxa uu horseeday in Turkiga ay qaadaan tallaabo militari.
Xooggaga Kurdiyiinta ah ee YPG ayaa ka samaystay bariga webiga Furaat
ee waqooyiga Suuriya dhul maamulkiisa ay u madax bannaan yihiin.
Kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaateen dagaalkii looga adkaaday ururka
isku magacaabay dowladda Islaamka ayaa u sahlay dagaalyahannada YPG inay kasoo tallaabaan webiga ayna la wareegaan dhul ka tirsan Suuriya, iyadoo Xukuumadda Turkiga ay u aragto kooxda YPG koox argagixiso ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]