4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 13, 2019
Kheyre'' Mucaarad iyo Muxaafidba waa in aan ilaalino Xudduudaha Barriga, Badda, iyo Hawada Soomaaliya

 

Axad, October, 13, 2019 (HOL)-Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo khudbad ka jeedinayay munasabad lagu maamuusayay maalinta Calanka ee 12ka October oo ku beegneyd maalintii shalay ayaa ku baaqay in la ilaaliyo sida uu hadalka u dhigay Madax-bannaanida Soomaaliya

Kheyre ayaa sheegay in arintan tahay waajib sida uu hadalka u dhigay saaran qof walba oo Soomaali ah oo laga doonayo ilaalinta xadduudkeena Baddeena iyo madax bannaanidooda, islamarkaana taariikhda ay qori doonto.   

” Qof walba oo naga mid ah, mucaarad iyo muxaafid oo fursad u  hela in uu Qarankiisa metalana waxaa uu taariikhda ku geli doonaa sida  uu u ilaaliyo, Qarinimada, Madaxbannaanida, Midnimadda iyo ilaalinta Xudduudaha, Badda, Hawada iyo Barriga Soomaaliya.

Hadalka Ra'iisal Wasaaraha ayaa imanaya xili maalintii shalay Kismaayo ay ka degtay diyaar siday wafdi ka socda Kenya oo ka qeybgalay munaasabadii caleemo saarka Axmed Madoobe, xili Dowladda Soomaaliya ay mamnuucday in diyaaradaha ka imanaya Nairobi toos uga degaan magaalada Kismaayo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]